Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), oo ah xarun aqooneed loo abuuray daryeelka iyo horumarinta af Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa suugaaneed ayaa dib u bilaabaysa barnaamijka madasha AGA, ee loogu talaggalay horumarinta afka hooyo & hal-abuurkiisa.
Madashan oo ah madal cilmiyeed ay qabanqaabiso Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga, waxaa diiradda lagu saaraa faafinta aqoonta iyo kobcinta afka hooyo iyo hal-abuurkiisa suugaaneed, iyo isku xirka dadka daneeya horumarinta afka iyo dhaqanka.
Sida ku talaggalku yahay madashani oo muddo hakad ku jirtay ayaa noqon doonta mid u qabsoomi doonta si laba-bille ah, iyadoo ka bixi doonta aaladda Zoomka, waxaana si toos ah loogu baahin doonaa barta Facebook-ga Akademiyada AGA, fiidnimada Sabtida ay Axaddu soo galayso.