Madbacadda Hill Press ayaa bilowday 29 bishii May 2020 barnaamij tartan hab Online ah oo ay ku tartansiinayso 16 naadi oo ah kuwa wax akhriska iyo maktabadaha ka jira Soomaaliya iyo meelo kale.

Hawshaan oo soconaysay todobaad ayey ugu tala-gashay Hiil Press inay ku dhiiri geliso goobaha wax lagu akhristo, iyadoo maktabadii cod badata loo siinayo Boqol buug oo ka mid ah buugaagtii ay daabacday mudadii ay shaqaynaysay.

Hiil Press oo la aasaasay bishii Juun 2018, tan iyo wakhtigaas waxay daabaceen cadad buugaag gaadhaysa 150 oo u badan buugaagta Afsoomaaliga iyo kuwa luqadaha kale.

Sida uu sheegay Cabdiladiif Geelle oo ka tirsan hawl-wadeenada Madbacadda hawshaan ayaa ah tii ugu horaysay ee ay bilaabaan, ayna joogtayn doonaan sannad kasta.

“Muhiimaddu waa inaan bulshada dareensiinno qiimaha akhrisku uu leeyahay iyo in xarumaha maktabadaha iyo kuwa wax lagu akhristaa ay ka jiraan deegaannada, si goobaha kale ee aysan ka jirin goobo wax akhris iyana ay u heli karaan fursado ay uga fekeraan inay samaystaan” ayuu yiri Cabdiladif.

Madbacadaani waxay hawl weyn ka furatay qalinleyda Soomaaliyeed, iyadoo siisa tifaftir, daabicid, sar-goyn iyo iib-geyn, hawlahaan oo horay dhibaato weyn ugu ahaa qoraaga.

Waxaa Diyaariyay: Al-ustaad Maxamed Cirro