Madal-cilmiyeed si qurux badan loo soo agaasimay laguna gorfeynayay buugga la magac baxay Habeen-eersi ee ay qortay Dayax Axmed Maxamed oo ah gabar dhallinyaro ah oo ka tirsan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaalia (AGA) ayaa maanta oo ku beegan 28/3/2018 waxaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Madashaasi oo aad loo jecleystay ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax, marti sharaf iyo dad aad u fara badan oo ka mid ah bahda qalinleyda iyo hal-abuurka, waxaana madashaasi soo qaban-qaabiyay Akdeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA).
Gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, Prof. Maxamed Daahir Afrax oo ka hadlayay munaasabadii furitaanka madashaasi ayaa sheegay inuu guud ahaan bahda qalinka iyo hal-abuurka, gaar ahaanna dhallinyarada hibada leh uu ku soo dhaweynayo Madasha AGA ee loogu tala galay hiilka afka hooyo, dhiiri galinta qorayaasha, horumarinta hal-abuurka iyo suugaanta Soomaaliyeed, waxaana uu ku nuux-nuuxsadey inay AGA sii wadi doonto qabashada madalaha caynkaan oo kale ah.
Prof. Afrax wuxuu shaaca ka qaaday inay Akadeemiyadu furi doonto Tartan lagu qiimeyn doono Buuggaagta iyo hal-abuurka ay ka midka yihiin Sheekooyinka iyo Maansada, kuwaasi oo lagu bixin doono abaal marino qiimo badan, waxaana uu dhinac kale iftiimiyey waxtarka weyn ee ay lafa-gurka buugaagta iyo faaqidaadda suugaantu u leeyihiin horumarinta hal-abuurka iyo kobcinta aqoonta. Waana sababta ay AGA xoogga u saari doonto.
Madashaasi oo aad u xiiso badneyd waxaa iyaduna ka hadashay gabadhii qortay buuggii miiska saarnaa ee Habeen-eersi Dayax Axmed Maxamed, taasi oo ka sheekeeysay sida ay ugu suurta-gashay qoraalka buuggaasi, waxaana ay tibaaxday in buuggeeda lagu soo bandhigay Tobban goobood oo isugu jiray qaar ka mid ah Magaalooyinka Soomaaliya iyo labbo Carwo buuggaageed oo lagu kala dhigay Muqdisho iyo Garowe.
Dhanka kale waxay u mahad celisay Gudoomiyaha AGA, Dr Afrax, oo ay ku tilmaamtay inuu yahay Barbaariye wanaagsan oo ay abaal weyn ugu hayso taageerada iyo dhiirrigalinta uu isku garab taagey iyada da’yarta kale eek u hawllan dadaalka noocaan ah.
Intaasi dabadeed waxaa la guda galay lafagurkii buugga, waxaana halkaasi gorfayntooda ku soo bandhigay Prof.Mustafa C/llaahi Feyruus, Ustaad C/llahi Shiikh Cabdi (Gacanka), Abwaan Salaad C/lle Cabdi iyo Seynab Xaaji oo ahaa lafa-gurayaashii soo aqriyay buuggaasi, kuwaasi oo madasha la wadaagey falaqayn kala duwan oo isugu jiray ammaan, dhalliilo yaryar, toosin iyo hoga tusaaleyn ku saabsan sheekada Habeen-Eersi.
Qaar ka mid ahaa ka qeybgalayaashii madashaasi oo cabirayay dareenkooda ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin qaabka ay AGA u soo abaabushay madashaasi, waxaana ay codsadeen in la joogteeyo, Gaba-gabadii madashaasi waxaa ka hadlay Agaasimaha Waaxda Wacyigalinta iyo Hal-abuurka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isbortiga, Md Maxamed Cali Cilmi (Gaa-gaale) iyo Ku-simaha Gudoomiyaha Golaha Abwaanda Somaaliyeed Abwaan Xersi Dhuux Maxamed oo hambalyeeyay qabashada madashaasi lagu lafagurayay buugga Habeen-eersi.
Madasha AGA oo ah madal Bille ah ayaa si joogtaysan waxaa ugu kulma bahda Akadeemiyada, ehelada AfSoomaaliga iyo suugaantiisa, bahda Dhaqanka iyo aqoon-faafinta, bahda Waxbarashada iyo cilmi-baarista, bahda Warbaahinta iyo guud ahaan inta ku hawllan ama jecel afka, hal-abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoon faafinta, waxaana si gaar ah uga faa`iidaysta da`yarta xiiseeya akhriska iyo qoraalka oo ay ka midka yihiin xubnaha naadiyada dhallinyarada iyo ardayda jaamacadaha.















