Masuuliyiin ka mid ah Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga AGA ayaa maanta oo ku beegan 15/3/2018-ka waxay ka qeyb galeen munaasabd loogu tala galay Xus iyo Xasuus loo samaynayay qoraagii Sheekh Cabdiraxmaan Xuseen Samatar (Abuu Xamsa) oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Niarobi ee Wadanka Kenya.
Hadal ay munaasabdaasi ka soo jeediyeen Prof. Mustafa C/llaahi Feyruus iyo Cabdi-naasir Yuusuf Macalin oo labadduba ka mid ah masuulyiinta Akadeemiye-Goboledeedka AfSoomaaliga ayaa sheegay buuggaagtii uu qorey Sheikh Cabdiraxmaan Xuseen in wax badan laga faa’iiday, waxaana ay caddeeyeen inuu qoraagaasi ummadda Soomaaliyeed uga tagey dhaxal taariikhi ah oo lagu xasuusan doono, iyagoo xusay in marxuumkaasi uu ahaa qoraa ka baxay Qaranka Soomaaliyeed.
Madaxdaasi oo hadalkooda sii wata ayaa ku nuux-nuuxsadey inay lagama marmaan tahay in la fuliyo dar-daarankii uu ka tagey marxuumkaasi oo aheyd in si daacad ah loogu adeego dadka iyo dalka Soomaaliyeed, iyagoo dhinaca kale Alle uga baryay marxuumkasi inuu janadiisa ka waraabiyo.
Munaasabadii xuskaasi oo uu soo qaban-qaabiyay Naadiga Hal-abuurka iyo Qalinleyda Soomaaliyeed (Somalipen) ayaa waxaa goob joog ka ahaa madax kala duwan, aqoonyahano, culumaa’udiin, qurba joog, dhallinyaro iyo haween munaasabadaasi lagu casuumay, waxaana xuskaasi lagu soo bandhigay tariikh nololeedkii, shaqooyinkii uu soo qabtay, waxqabadkii, buuggaagtii uu qorey iyo dar-daarankii uu ka tagey qoraagaasi.
Qoraa Cabdiraxmaan Xuseen Samatar oo 4-tii bishaan ku geeriyooday Dalka Kenya ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay qorayaasha Soomaaliya ugu buuggaagta badan, Buugggaagta uu qorey oo ka kooban 44-buug ayaa waxay isugu jiraan qaar uu ku qorey luqadda Carabiga iyo kuwo uu ku daabacay Afka Soomaaliga.















