kulan gaar ah oo ay ka soo qeyb galeen xubnaha gooosanka AGA  ee Magaalada Muqdisho, loogana diyaar-garoobayay qaabka  ugu haboon ee loo qaban karo Madasha AGA  ee Horumrinta Afka iyo Hal-abuurkiisa ayaa lagu qabtay caasimadda Soomaaliya ee  Muqdisho.

kulankaasi ayaa waxaa shir gudoominayay Prof Mustafa  C/llaahi Feyruus oo ka tirsan  madaxda sare ee  Akdeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, waxaana kulankaasi si qoto dheer looga hadlay sida ugu haboon isla markaana ugu quruxda badan ee loo qaban karo madashaasi oo la qorsheynayo  in la qabto  dabayaaqada bisha aynu ku jirno.

Hadal uu halkaasi ka soo jeediyay Prof. Mustafa ayaa sheegay in madasha soo socoto loogu tala galay in lagu gorfeeyo buug qiimo badan oo qeyb ka ah buuggaagta Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay falanqeynta  buuggaasi ka sakow in diirada la saari doono doorka ay buuggaagta ku leeyihiin kobcinta aqriska iyo qoraalka afka Soomaaliga.

Qaar ka mid xubnaha AGA  oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa soo jeediyay tallooyin ku aadanaa sida ugu wanaagsan ee loo sameyn karo madashaasi, waxaana gaba-gabadii kulankaasi la isku waafaqay in sida ugu sareysa loo abaabulo madashaasi.

Madasha AGA ayaa ah  Madal  aqooneed Bille ah, waxaana si joogto ah  ugu kulmo bahda Akadeemiyada, ehelada AfSoomaaliga iyo suugaantiisa, bahda Dhaqanka iyo aqoon-faafinta, bahda Waxbarashada iyo cilmi-baari sta, bahda Warbaahinta iyo guud ahaan inta jecel afka,  hal-abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoonta.