Kulan ay isugu yimaadeen xubnaha ka tirsan Goosanka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga AGA ee fadhigoodu uu yahay Magaalada Muqdisho, loogana hadlayay sidii loo dar-dar galin lahaa hawlaha horyaalo Akadeemiyadaasi ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Shirkaasi oo uu Shir gudoominayay Gudoomiyaha AGA Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa si balaaran waxaa looga hadlay arimihii u qabsoomay bilihii la soo dhaafay goosanka AGA ee Muqdisho iyo shaqooyinka hor yaalo, waxaana kulankaasi lagu soo bandhigay sida loogu guuleystay shaqooyinkii u qorsheysnaa Akadeemiyada iyo sida loogu diyaar garoobay in laga miro dhaliyo hawlaha sugayo AGA .
Hadal uu halkaasi ka soo jeediyay Gudoomiye Prof. Afrax ayaa sheegay inay Akadeemiyadu samaysay waxqabad la arki karo, waxaana uu xubnaha AGA ku guubaabiyay inay si dar-dar galiyaan hawlaha hor yaalo, isagoo soo jeediyay in xil gaar ah la iska saaro sidii looga dhabeyn lahaa masuuliyada Akadeemiyada ka saaran daryeelka, illaalinta iyo nooleynta afka Soomaaliga.
Qaar kamid ah hawl wadeenka AGA ee Magaalada Muqdisho ayaa iyaguna halkaasi ka soo jeediyay fekrado iyo tallooyin ku saabsan sida horey loogu sii dhigi karo shaqooyinka hor yaalo Akademiyadaasi.
Kulankaasi ayaa qeyb ka ahaa kulamadii caadiga ahaa ee Goosanka Muqdisho uu mar walba yeelan jirey.















