Munaasab weyn oo ku aadaneyd xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo ayaa dhawaan lagu qabtay Magaalada Oslo ee Dalka Norway, munaasabaddaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxay ka dhacday Maktabadda Xaafadda Toyen , waxaana lagu soo bandhigay buugaag dhowr ah oo ku qoran af Soomaali looguna tala galay carruurta ku dhalatay ama ku barbaarta qurbada si ay uga dhismaan dhanka afka hooyo.
Qoraha buugtaas Ifraax Yuusuf Ciyow oo munaasabadaasi ka hadashay ayaa si faah-faahsan uga sheekeeysay sababaha ku dhaliyey in ay soo saarto buugaagtaas, waxayna kula dar-daarantay Waalidiintii ka soo qeyb galay munaasabaddaas inay ku dadaalaan sidii ay carruurtooda u bari lahaayeen afkooda hooyo.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay aqoonyahanno dhowr ah oo intaba ka warbixiyay y muhiimadda uu afka hooyo leeyahay, iyadoo halkaa laga xusay halkudhegga sannadkan ay AGA qaadatay ee ahaa “Afkaagu Waa Aqoonsigaaga”.

Munaasabad kale oo lagu weynaynayay maalinta afka hooyo ayaa iyaduna lagu qabtay Magaalada Stockholm ee Wadanka Sweden, munaasabadaasi ayaa Laheyd xiiso gooni ah, waxaana ka qeyb galayaashii xafladaasi soo jiitey qaabkii loo soo agaasimay qaban-qaabadii munaasabadaasi, ka soo qeybgalkii ballaarnaa, aqoonyahankii halkaa ka hadlay iyo mowduucii xiisaha badnaa ee looga hadlay.
Xafladaasi oo diiradda loogu saaray ku bar-baarinta afka carruurta qurba joogga ah ayaa waxaa looga hadlay sida ay isugu xiran yihiin afka, dhaqanka, sumadda iyo astaanta qofka ama aqoonsiga dadnimo, Aqoonyahankii halkaa ka hadlay waxaa ka mid ahaa qoraa Maxamed Xirsi Guuleed, qoraa Yuusuf Xasan, Ustaad Cabdalla Shafey, Dr. Jaamac Muuse oo ka soo kicitamay Hargeysa, Macallimad/barbaariso Nimca Nuur iyo aqoonyahanno kale oo fara badan, kuwaasi oo ka hadlay kaalinta waalidka, macallinka iyo bulshadada ee ku aaddan dhowridda afka iyo ku bar-baarinta jiilka soo koraya.
Intii ay munaasabaddu socotay waxaa ba-rbar socday barnaamij madadaalo ah oo isugu jiray suugaan iyo ciyaaro loogu tala galay carruurta iyo waalidkaba.
Magaalooyinka kale ee ka tirsan Qaarada Yurub oo lagu qabtay xuska maalinta Caalamiga ah ee afka hooyo waxaa ka mid ahaa Magaalada Helsinki ee Cariga Finland, taariikh ahaan Magaalada Helsinki oo dhowr mar oo hore lagu qabatay munaasabaddan oo kale ayaa maalintii ay bishu aheyd 21-ka Febraayo waxaa galabnimadeedii lagu qabtay Maktabadda Dhexe ee Magaaladaasi barnaamij xiisa leh oo looga hadlayey afka iyo muhiimaddiisa laguna soo bandhigay buug cusub oo dhawaan soo baxay.
Qorayaal, macallimiin iyo dadweyne aad u xiiseeya afka iyo suugaanta Soomaaliyeed ayaa ka soo qeyb galay, Qoraa Bashiir Xirsi oo buug uu dhawaan soo saaray halkaa lagu Daah-furay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in daah-furka buuggiisa ee Finland ku soo beeganto maalintan qiimaha weyn.
Sidoo kale waxaa munaasabdaasi ka hadlay aqoonyahanno badan oo sheegay in dhowrkii sanno ee tegey dadaal dheer loo galay sidii carruurta Soomaaliyeed loogu barbaarin lahaa afkooda hooyo si ay u bartaan isla markaana ay ugu faanaan, waxayna kula dar-daarmeen waalidiinta in arrinkaa culeys la saaro iyadoo xustay in afku yahay aqoonsiga qofka.
Mmunaasabad kale oo aad u qiimo badneyd laguna xusayay maalinta afka hooyo ayaa iyaduna waxaa lagu qabtay Magaalada Den Haag ee Wadanka Netherlands, sannad walba xilliyadaan oo kale ayay bulshooyinka kala gedisan ee ku nool Wadankaasi waxay wadaagaan barnaamij la magac baxay Freedom Book Fair kaasi oo ah barnaamij ballaaran oo isugu jira bandhig buugeed, dood-aqooneedyo, suugaan iyo barnaamijyo kale oo xiiso badan.
Saddex iyo Labaatankii Febraayo oo ku aadaneyd maalin jimca ah ayaa fiidnimadeedii waxaa lagu qabtay Koorenhuis oo ah xarun dhaqan barnaamij u gaar ah Soomaalida looguna magac daray ‘War iyo Wacaal’ kuna saabsanaa afka, dhaqanka, buugta iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Barnaamijkan ayaa sida sannadkii hore oo kale AGA waxay ku lahayd qeyb weyn. Waxaana si gaar ah uga dhex muuqday Cabdiraxmaan Abtidoon iyo Maxamed Cartan oo ka tirsan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.
Gabyaa Farax Goobdoon ayaa suugaan ku soo bandhigtay, cilmi-baare Boodhari Warsame wuxuu ka soo qeyb galayaashii la wadaagay baaritaan uu muddo sannado ah waday kuna saabsaneyd Soomaalidii ugu horreysay ee timaada Qaaraddan Yurub, sidoo kale waxaa munaasabdaasi ka hadashay Fatima Nuur oo AGA uga wakiil ah Netherlands, waxayna si cilimiyaysan uga warbixisay muhiimadda maalintaas iyo weliba afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed in lagu baraarugo.
Barnaamijka oo lagu qabtay meel Tiyaatar ah ayaa wuxuu u socday qaab Raadiyo oo kale ah oo aad u qurux badan , waxaana daa-dihinayey Xuseen Koofurow oo ka hawl gala mid ka mid ah Iddaacadaha Dalkaas.
Waxaa Diyaariyay
Abdirahman M. Abtidon :-Tel:+44 7950164456 (UK),
+47 40997334 (Norway), +39 3510741924 (Italy)
Facebook: Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon
Twitter: @AMAbtidon, Skype: A.Abtidon














