Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga oo kaashaneysa bulshada Soomaaliyeed ee deggan Magaalada Bristol ee Wadankan Ingriiska ayaa 24-kii bishan Febraayo waxay si wadajir ah u qabteen munaasabad l looga hadlayo, qiimaha uu leeyahay AfSoomaaligu, macno ahaan waxa uu ka dhigan yahay iyo sida lagu horuumarin karo.
Munaasabaddaasi oo lagu suntay maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah Soomaalida deggan Bristol, xuska munaasabadaasi oo aad u qiima badnaa ayaa qodobadda looga hadlay waxaa ka mid ahaa Hadafka AGA, doorka Warbaahinta, caqabadaha hor taagan in Afkeena Hooyo uu yeesho dhidibbo adag, habka sixida qoraallada iyo doorka Akhriska Buugaagta, taabbagelinta sixida naxwaha afka wax lagu qoro iyo sida ay ku timid in Afsoomaaliga sidiisaba la qoro.
Aqoonyahannadii, qorayaashii iyo masuuliyiintii halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Profasoor Cabdulkhaadir Ruumi, Aamina Muuse Weheliye oo ka Wakiil ahayd AGA Uk, qoraa Injineer Barre, Qoraa Maxamed Haykal, qoraa Khaalid Qodax, Axmed Dhagaxtuur oo ahaa isku-duba-ridaha munaasabadda iyo masuuliyiin kale.
Kulankaasi waxaa si wacan u daadihiyey Cabdi Cumar Maxamed oo ka tirsan Soomaalida Bristol, halka uu hadallo kooban uu Af-Soomaali ku jeediyey, Dimos Griziotis oo ah Injineer u dhashay Dalka Giriigga hase yeeshee ah arday barta Afka Soomaaliga.
Munasabadda ayaa sidoo kale lagu daah furay Buug cusub isla markaasna waxaa lagu soo bandhigay Buug hore u qornaa.
Amina Muuse Weheliye
AGA, UK















