Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa maanta oo ku began 28/2/2018 dhallinyaro ka tirsan naadiyada aqriska iyo qoraalka waxay tababbar ugu qabatay Hotel Al-Furaat ee Magaalada Muqdisho, Tababbarkaasi oo ku saabsanaa Habaynta Qoraalka ayaa waxaa ka faa’iidaystay in ka badan 50- dhallinyaro ah.
Gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax oo si rasmi ah u furay tababbarkaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay naadiyada aqriska iyo qoraalka ugu heelan yihiin barashada qurxinta qoraalka, waxaana uu carrabka ku dhuftay inuu soo dhaweynayo da’ yarta hibada u leh hal-abuurnimada, isagoo intaasi ku darey inay lagama maarmaan tahay sidii loo xoojin lahaa nooleynta afka, dhaqanka iyo aqoonta.
“Afku waa aqoon sidaha Koowaad ee nolosha, qof kasta waxaa ku waajib ah daryeelka iyo nooleynta afkiisa hooyo, haddaad tihiin dhallinyaradii Soomaaliyeed waxaan idinku guubaabinayaa inaad ku fara adeygtaan ilaalinta afkiina, dhaqankiina iyo suugaantiina” ayuu yiri Prof. Afrax oo intaasi raaciyay in Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ay tahay madal aqooneed ka dhaxaysa ummadda Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Akadeemiyada AGA oo si cilmiyaysan uga taariikheeyay wanaaga uu leeyahay cilmiga ayaa ku nuux-nuuxsaday inuu bahda naadiyada kula dar-daarmayo sidi ay dabeecad uga dhigan lahaayeen aqriska iyo qoraalka, waxana uu ku guubaabiyay inay iska war hayaan oo ay mar walba wada xiriiraan.
Munaasabadii furitaanka tababbarkaasi waxaa kaloo ka hadashay Farxiya Muxyadiin (Lama-filaan) oo ku hadlaysay magaca ka qeyb galayaasha tababbarkaasi, waxaana ay balanqaaday casharada ay halkaasi ka qaataan inay ku dabaqi doonaan qoraaladooda, iyadoo u mahadcelisay Akadeemiyada AGA oo tabarbbarkaasi soo qaban-qaabisay.
Khudbadahaasi kadib waxaa halkaasi ka bilowday casharro ay bixinayeen Macalimiiin ka tirsan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, kuwaasi oo kala ahaa Prof. Mustafa C/laahi Feyrus iyo C/laahi Sheikh Cabdi (Gacanka), duruustaas oo aad loola dhacay ayaa ku kala saabsanaa Dalaynta ama astaamaynta Qoraalka iyo Habeynta Hadalka, dufcadda maanta qaadatey tabarbaarkaasi ayaa noqonaysa middIi labaad ee la siiyo tababbarkaasi
Qaar ka mid ah ka qeyb-galayaashii tababbarkaasi oo ka qayb-qaatay falceliskii tabbabarka ayaa isku wada raacay inay si weyn uga heleen aqoontii ay halkaasi ku qaateen, waxaana ay codsadeen in tababbarrada noocaan oo kale ah la joogteeyo lana wada gaarsiiyo intii la kari karo.
Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo u taagan ilaalinta iyo daryeelka afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa ayaa horey u soo qabatey tababbaro badan oo lagu kala qabtay Magaalooyin iyo Gobollo ka mid ah dhulalka ay Soomaalidu degto.














