Carwada buuggaagta Kismaanyo oo 7-dii Luulyo 2019 si rasmi ah looga furay caasimada Ku-meel-gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Jubbaland ee magaalada Kismaanyo ayaa maanta waxaa lagu soo bandhiggay buugga Hal-door oo ka mid ah “Taxanaha Darsida Afka iyo Suugaanta Soomaalida oo ay soo saartey Akadeemiye-Goboleedka AfSomaaliga (AGA).
Soo jeedinta buuggaasi oo aad loola dhacay ayaa waxa soo jeedinayay Bare sare Mustafa C/llaahi Feyruus oo ka mid ah madaxda Akadeemiyada AGA iyo qorayaasha buuggaasi, waxaana uu si faah-faahsan uga hadlay nuxurka iyo macluumaadka qiimaha badan ee uu xambaarsna yahay Hal-door, isaga oo caddeeyay inuu buuggaasi soo koobayo Taariikh-noloeedkii iyo Dhaxal-cilmiyeedkii Danjire Shariif Saalax Maxamed Cali oo ahaa “Guddoomiyihii Guddiga qorida farta Soomaaliga”.
Qaar badan oo ka mid ah aqoonyahannadii iyo waxgaradkii soo booqday carwadaas ayaa aad u soo dhaweeyay soo saarida buugga Hal-door, iyagoo ku bogaadiyay Akadeemiyada AGA soo bandhiggida buuggaas.
Hal-door oo ah buug waxtar badan u leh bulshada Soomaaliyeed ayaa horey waxaa loogu soo bandhiggay carwoooyin kala duwan.














