Akadeemiye-Goboleedka AfSoomalaiga (AGA) ayaa soo saartey Warside ku hadli doono codka Akadeemiyadaasi, Warsidahaasi cusub ayaa noqonayo mid u gaar ah Akadeemiyada AGA.
Warsidahaasi oo loo magac darey “WARSIDAHA AGA” ayaa ka kooban 8- Bog, macluumaadka uu xambaarsan yahay ayaa waxay isugu jiraan Warar ka hadlayo waxqabadka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga AGA, qoraalo ka tarjumaya qiimaha afka Soomaaliga, warbixxino la xiriira muhiimada ay leeyihiin dhaqanka, suugaanta iyo hal abuurka, sidoo kale waxaa Warsidahaasi lagu soo daabacay arimo la xiriira aqoonta guud iyo maclumaad kale oo xiiso badan.
Caddad gaar ah oo qeyb ka ahaa warsidahaasi ayaa lagu soo bandhigay munaasabadii 21-ka Febraayo oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo, Boqolaal qof oo ka mid ahaa madaxdii iyo bulshadii ka soo qeyb gashay munaasabadaasi ayaa helay Warsidahaasi.
Madaxdii munaasbadaasi ka soo qeyb gashay ayaa soo dhaweysay soo bixitaanka Warsidaha AGA, dhinaca kale Qaar ka mid ah dadkii uu gaarey ayaa sheegay inay si aad ah ula dhaceen macluumaadka ay ka heleen, Warsidahaasi ayaa waxaa isku soo duway goosanka AGA ee Muqdisho, wuxuuna noqon doonaa mid u soo baxa si xilliyeed ah.














