Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay looguna tala galay Xuska maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, ayna soo qabanqaabisay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo kaashanaysa Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta iyo Golaha Abwaannada oo ay labadaba bah-wadaag yihiin ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Furitaankii munaasabadaasi Hadal uu halkaasi ka soo jeediyay Gudoomiyaha Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta C/qaadir Nuur (Maax) ayuu sheegay inuu ku faraxsan yahay sida qiimaha badan oo ay labbada Akadeemiye (AGA iyo Somasa) isaga kaashadeen xuska 21-Febraayo, waxaana uu ka codsaday Dawladda Soomaaliya inay guddi heer Qaran u magacowdo qabashada xusaska ku aadan afka iyo dhaqankiisa, isagoo intaasi ku daray in loo baahan yahay in arrinkaas loo arko masuuliyad qaran.
Gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Prof.Maxamed Daahir Afrax oo khudbad dhinacyo badan ka hadlaysay ka soo jeediyay munaasabadaasi ayaa si cilmiyaysan uga warramay sidii uu ku yimid xuska Maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo, waxaana uu tilmaamay, maadaama AGA ay tahay madal-aqooneed caalami ah, in laameheeda ka hawlgala dhammaan gobollada Soomaaliya, Geeska Afrika iyo daafaha dunida ay magaalooyin fara badan isla maanta uga dabbaaldegayaan xuska 21Febraayo iyagoo dhammaantood isla wada qaataatay halkudheg midaysan, waxaana uu caddeeyay in Haludhegga sannadkan la wada qaatay uu yahay “Afkaagu waa aqoonsigaaga”.
Dr. Afrax wuxuu ka taariikheeyey Magaalada Jabuuti in ay ahayd meeshii ugu horreysey gayiga Soomaalida ee laga bilaabay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, sannadkii 2006, taas oo ku bilaabatay hindise uu Dr. Afrax qudhiisu la wadaagey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle 12kii, Oktoobar 2005tii, ka dibna madaxweynuhu soo dhaweeyey ee amar ku bixiyey in sannad kasta munaasabaddaas Jabuuti looga dabbaaldego. Halkaas ayaa munaasabaddan lagu daah-furay bandhig-dhaqameed baaxad weyn oo lagu magacaabay “Toddobaadka Afka Hooyo”.
Mahadcelin aad u ballaadhan ayuu guddoomiye Afrax wuxuu u jeediyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Tallaabadaas uu ku garab istaagay iyo sida joogtada ah oo Madaxweyne Geelle goor walba heegan ugu yahay hiilka afka hooyo iyo dhaqanka ummaddeena. Wuxuu kaloo mahadcelin iyo bogaadin u jeediyey Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayrre, asagoo uga mahadceliyey hiilka la taaban karo oo uu isku garab taagey Afkeenna hooyo iyo akadeemiyadiisa.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Md Xasan Cali Kheyre oo hadal taariikhi ah ka soo jeediyay munaasabadaasi ayaa ku nuux-nuuxsaday inay Xukuumadiisu garab taagan tahay nooleynta afka, dhaqanka iyo suugaanta, isgagoo ku dheeraaday muhimmada uu afku leeyahay.
Ra’iisul wasaaraha oo hadlkiisa sii wata ayaa gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, Prof. Afarax uga mahad naqay sida hagar la’aanta ah ee uu had iyo goor ugu taagan yahay daryeelka afkeena hooyo, isagoo dhanka kale ku baaqay in qof kasta uu xil gaar ah iska saaro illaalinta afkiisa hooyo.
Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Md Cabdi Xaashi C/llaahi oo munaasbadaasi soo gunaanaday aya sheegay inu ku faraxsanyahay sida quruxda badan ee loo soo agaasimay xuska maalinta Afka hooyo, waxaana uu tilaamay inuu Xukuumadda Soomaaliya uga mahad celinayo balan qaadkeeda ku aadan inay garab istaagayso afka Soomaliga, isagoo dhinaca kale ku bogaadiyay Madaxweynaha Jabuuti dadaalka uu had iyo goor la garab taagan yahay illaalinta afka Soomaaliga iyo hal abuurkiisa.
“Xukuumadda Soomaaliya waxaan ugu baaqay in ay ku dadaasho dhisidda xarumaha asaasiga ah ee dhaqanka oo ay ka mid yihiin Maktabaddii Qaranka, Masraxa Qaranka, Matxafka iyo xarunta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga” ayuu si qiiro leh u yiri Gudoomiyaha Golaha aqalka Sare ee JJmhuuriyadda Federaalka Soomaaliya .
Munaasabadaasi oo ay ka soo qeyb galeen dad ka badn 200 oo ka kala socday Naadiyada Aqriska iyo qoraalka, Bahda afka iyo dhaqanka, bahda Waxbarashada, Golaha Abwaanada oo kaalin aad u weyn ka ciyaaray, Dhallinyarada iyo Haweenka ayaa intii ay socotay waxaa lagu daawaday suugaan ka hadlaysay qiimaha Afka iyo hal abuurkiisa oo ay soo bandhigeen fanaaniin ka socotay kooxda Hiddo oo ka tirsan Golaha Abwaannada Soomaaliyeed.














