Akdeemiye- Gobaleedka AfSoomaaliga AGA oo u taagan daryeelka illaalinta, hiilka iyo horumarinta afka Soomaaliga ayaa munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayay Maalinta Afka Hooyo ee 21 Febraayo 2019 waxa ay ku qabtay xarunta KMG ah Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.
Wakiilka Akadeemiyada AGA ee Koonfur-Galbeed Dr. Maxamed Cali Kalaay oo si qurux badan u soo qaban-qaabiyay munaasabaddaasi ayaa si faah-faahsan uga hadlay muhiimada ay leedahay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, isaga oo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 21 Febraayo ee ku asteysan Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo.
Dr. Maxamed Cali Kalaay oo hadalkiisa sii wata ayaa iftiimiyay taariikhda iyo sida ay ku timid Maalinta Afka Hooyo, waxaana uu caddeeyay in hal-ku-dhigga sannadkan uu yahay afka hooyo waa furaha dib-u-heshiisiinta bulshada, isaga oo ka soo qeyb galayaashii xafladdaasi kula dar-daarmay hiilka afka Soomaaliga
Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Ururka Suxufiyiinta NUSOJ ahna Gudoomiyaha ururka Suxifiyiinta Koonfur galbeed SOWEJA Muxyadiin Xusni oo xafladdaasi ka Hadley ayaa sheegey Warbaahintu inay door weyn ka qaadan karto horumarinta Afla hooyo iyo sidii looga illaalin lahaa inuu ku milmo Luqadaha Ajanabiga ah oo afka Ingiriiska ugu badan yahay.
Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Baay Aaden Shaati , Xoghayaha Ururada Bulshada SOSWENSA Cali Cabdullaahi Cali iyo Marwo Luul Isaaq Aaden oo xubin ka ah Ururka Xuquuqda Haweenka K/Galbeed ayaa si diirran u soo dhaweeyay dadaalka ay Akadeemiye-Goboleedka Aga ugu jirto daryeelka afka Soomaaliga, waxayna si gaar ah uga hadleen sida loogu baahan yahay in loo horumarin karo lahjadda Mayga maadaama uu afka Soomaaliga uu yahay Maay iyo Maxaa-tiri
Munaasabaddaasi oo ku dhamaatey jawi aad u wanaagsan waxaa goob joog ka ahaa masuulyiin ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Jaamacadda Koofurta Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, Abwaan Muxsin Qaasim Qaalib (Jaakole) iyo marti sharaf kale oo aad u badan.
![]()













