Akadeemiye-Gobleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa maanta (20/2/2019) Hotel Royal, Muqdisho ku qabatay Xaflad si weyn loo soo agaasimay, looguna tala-galay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, ayna ka soo qeyb-galeen Wasiirro, Xildhibaanno, Agaasimayaal, madaxda Akadeemiyada AGA, masuulyiinta Golaha Abwaannnada, dhallinyaro ka kala socotay naadiyada akhriska iyo qoraalka, fannaaniin iyo marti-sharaf kale.
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax oo khudbad qiimo badan ka soo jeediyay munaasabaddaas ayaa sheegay xuska maalinta afka hooyo inuu ka mid yahay xusaska caalamiga ah ee adduunka si ballaaran looga xuso, waxaana uu tilmaamay sannadkaan inuu ku soo beegmay 20- guuradii ka soo wareegtay markii ay Qaramada Midoobay u aqoonsatey 21 Febraayo inay noqoto maalinta afka hooyo, isaga oo ka xog-warramay inay Qarammada Midoobey 1dii bishan New York kaga dhawaaqeen in 2019ka loo aqoonsado Sannadka Caalamiga ah ee Horumarinta Afka Hooyo.
“Xafladda aan maanta ku qabanayno Muqdisho waxay Daah-fur u tahay xafladaha AGA xarunteeda dhexe iyo laameheeda daafaha dunida ugu talagaleen Toddobaadka Afka Hooyo. Muqdisho ka sakow waxay Akadeemiyadu xusas kan la mid ah ku kala qaban doontaa magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, sida Kismaanyo, Baydhabo, Garoowe, Hargaysa, Gaalkacyo, magaalooyinka goblkeena, Geeska Afrika ee ay ka midka yihiin Jabuuti, Jigjiga iyo Nairobi. Akadeemiye-Gobleedka oo ah madal caalami ah, waxa kale oo ay laameheedu xafladaha xuska maalintan ku qabanayaan waddannada caalamka ee ay ku badan yihiin jaalliyadaha Soomaalida, sida Maraykanka, Ingiriiska, Holland, Finland, Sweden, Narway iyo goobo kale oo Soomaalida qurbuhu ku dhaqan yihiin” ayuu yiri Prof. Afrax oo soo jeediyay in laga wada qeyb-qaato hiilka afka Soomaaliga.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Ambasadore Daahir Maxamuud Geelle, ayaa ugu horeyntii khudbaddiisii furitaanka munaasabadda ugu mahadceliyey Akadeemiyada AGA dadaalka ay horseedka ka tahay, iyo in uu guud ahaan shucuubta caalamka gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayo xuska maalintan qiimaha badan. Wasiirku wuxuu muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay inuu ka soo qeyb-galo xuska Maalinta Afka Hooyo oo ay soo qaban-qaabsay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xarriiqay inuu soo dhaweynayo dadaalka uu Guddoomiyaha AGA ugu jiro illaalinta afka Soomaaliga, waxaana uu caddeeyay inuu daryeelka afka Soomaaliga uu ku jiryo gacan aamin ah oo uu ula jeedayay Prof. Afrax, isaga oo intaasi ku darey in loo baahan yahay inaan laga daalin xoojinta afkeena hooyo.
Munaasabaddaas oo si qurux badan loo soo abaabulay ayaa iyana waxaa ka hadlay Xildhibaan Sahro Cumar Maalin, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Xirsi Dhuux Maxamed, Agaasimaha Arimaha Bulshada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Maryan Aadan Amiin, Guddomiyaha Naadiga Hillin-hayaan oo ku hadlayay magaca naadiyada akhriska iyo qoraalka; Furitaanlkii horena waxaa warbixin ka soo jeediyey Bare Sare Mustafa C/llaahi Fayruus oo ku hadlayey magaca Guddiga qaban-qaabada munaasabadda. Wuxuuna iftiimiyey sida ay Akadeemiyadu ugu guuleysatay xuska maalinta afka hooyo ee 2019 inay ka qabanqaabiso dalal iyo magaalooyin badan, halkaas oo si taxane ah uu xusku uga socon doono toddobaadkan oo dhan; xafladda xaruntuna ay u tahay furitaan.
Abwaanno iyo fannnaaniin ka socotay kooxda Hiddo ayaa iyaguna halkaasi ku soo bandhiggay suugaan aad loo jecleystay oo isugu jirtay heeso ka tarjumaya qiimaha afka hooyo iyo gabayo barraarujin ah. Dhinaca kale waxaa isla xafladdaasi lagu soo bandhiggay tartan kadis ah oo ay saldhig u ahaayeen su’aalo loogu talagalay in dhallinyarada lagu baraarujiyo xoojinta barashada afkooda hooyo.
Sannad walba marka la gaaro 21 Febraayo ayaa dunida oo idil waxaa laga xusaa maalinta caalamiga ah ee afka hooyo. Sannadkii 1999 ayay Qaramada Midoobay caleema-saartay maalintaas.













