Maanta oo taariikhdu ay ahayd 7/1/2019 waxaa Hotelka Royal Palace ee magaalada Muqdisho lagu qabtay Xaflad ay si qurux badan u soo agaasintay Akadeemiye-Goboleedka Af-soomaaliga (AGA).
Xafladdaas oo ku saabsaneyd gunaanadka iyo shahaado-bixinta tababbar ay AGA labadii bilood ee ugu dambeysey sannadkii dhammaaday xirfadda qoraal-curinta u tababbaraysey dhallinyaro arrimahaas hibo u leh, hase yeeshee u baahnaa jahayn iyo aqoon-kobcin; dhallinyaradaas oo tiradoodu gaareysey ilaa 140 oo isugu jirey wiilal iyo gabdho waxaa shahaadooyin guddoonsiiyey Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlammaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane cabdi Xaashi Cabdillaahi.
Tababbarkan oo halkudheggiisu ahaa “Tababbar-Xirfadeedkii Qoraal-Curinta Toolmoon” waxaa ka soo qaybgalay dad badan oo ay ka mid ahaayeen ka-qaybgalayaashii tababbarka iyo madax ka kala socotay Aqalka Sare, Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, Golaha Abwaannada iyo masuuliyiinta Naadiyada akhriska iyo qoraalka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin naadiyada Hilin-hayaan, Banaadir, Xamar, Ifiye iyo Maskax-shiil.
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax oo furitaankii munaasabaddaas ka soo jeediayay hadal qiimo badan ayaa sheegay ugu horeyntii inuu bahda qoraalka iyo akhriska afka hooyo uu ugu hambalyeynayo dhalashada sannadka cusub ee 2019-ka, waxaana uu carrabka ku dhuftay in Gudoomiyaha Aqalka Sare Md. Cabdi Xaashi uu yahay halyey qiimo badan oo safka hore kaga jiro hiilka afka hooyo. Wuxuu tilmaamay sannadkii dhammaaday ee 2018 in uu ahaa sannad AGA ay tallaabooyin waaweyn hore u qaadday kuna guulaysatey waxqabad dhaxal-gal ah.
“Nasiib wanaag Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga waxay sannadkii dhamaaday ku guuleystay inay fuliso 90% hawlihii u qorsheysnaa, shaqooyinkii ay samaysay sannadkaasi waxaa tusaale u ah tababbarradii taxanaha ahaa ee AGA siisay dhallinyarada hibada u leh akhriska iyo qoraalka, joogtaynta Taxanaha Darsidda Afka iyo Suugaanta Soomaalida, oo la soo saaray buugga Haldoor, curinta iyo joogtaynta Warsidaha AGA, dib u hawl-galinta Degalka (Website-ka) AGA, Curinta iyo joogtaynta Madasha AGA ee Horumarinta AfSoomaaliga iyo Hal-abuurkiisa, xuska munaasabdo caalami ah, sida Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo iyo Maalinta caalamiga ah ee Buugga iyo xuquuqda Fekerka, iyo shaqooyin kale oo aad u fara badan” ayuu yiri Prof. Afrax oo sheegay inuu u han-weyn yahay in sannadkan cusub la gu tallaabsan doono waxqabad intaas ka sii ballaaran.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Md, Cabdi Xaashi C/llaahi oo isna munaasabadaas ka soo jeediyay khudbad aad loo jecleystay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay dhallinyarada Soomaaliyeed ugu bisil yihiin u hiilinta afkooda hooyo, waxaana uu bulshada u soo jeediyay inay u istaagto illaalinta afka Soomaaliga.
Md, Cabdi Xaashi oo hadalkiia sii wata ayaa hoosta ka xariiqay inuu Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga uu uga mahadnaqayo dadaalka ay ugu jirto daryeelka afka hooyo, waxaana uu caddeeyay inay AGA ay meelmarisay kaalintii kaga aadanayd illaalinta iyo hiilka afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa, isaga oo dhinaca kale bogaadiyay dhallinyaradii halkaasi shahaadooyinka lagu siinayay ee soo dhamaystay tababbarkii ay u qabatay AGA.
Bare sare Mustafa C/laahi Feyruus oo ka mid ah madaxda Akadeemiyada Aga ayaa si faah-faahsan uga warbixiyay arimo la xiriira tababbarkii Qoraal-Curinta Toolmoon, taariikhda Akadeemiyada iyo guulihii ay ku talaabsatay AGA sannadkii la soo dhaafay iyo hiigsigeeda sannadka cusub, waxaana uu tilmaamay sannadkii la soo dhaafay inuu ahaa sannad mucjiso ah oo Akadeemiyadu ay qabatay hawlo lagu faani karo.
Guddoomiyaasha Naadiyada akhriska iyo qoraalka Hillin-hayaan, Banaadir iyo Xamar C/qaadir Axmed Jubba, Khaddar Cabdi C/llaahi iyo Saciido Muxyadiin Midnimo oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay sida ay uga faa’iidaysteen tababbarkaasi, waxaana ay u mhad-celiyeen Akadeemiyada oo u sahashay tababbbarkaas, iyagoo balan-qaaday inay hiil u yihiin Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.
Munaasabaddaasi ayaa gaba-gabadeedii waxaa Shahaadooyin lagu guddoonsiiyay Seddexdii Dufcaddood ee dhamaystay tababbarkii ku aadanaa Qoraal-Curinta Toolmoon, waxaana halkaas lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumaysay afka iyo hal-abuurkiisa, taasi oo ay soo jeedinayeen abwaanno ka tirsan Golaha Abwaannada Soomaaliyeed.
![]()













