Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax iyo Agaasimaha Hay’adda Macaarif ee dalka Turkiga Mustafa Yilmaz ayaa maanta oo ku beegneyd 5/01/2019 waxa ay wadahadalo ku yeesheen xafiiska dhexe ee xarunta Macaarif ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Aga iyo Agaasimaha Macaarif ayaa si qoto dheer uga wada-hadlay sidii ay labada dhinac u yeelan lahaayeen iskaashi ku saabsan dhinacyada dhaqanka, afka iyo hal-abuurkiisa, waxayna isla garteen inay lagama maarmaan tahay sidii deg-deg loogu abuuri lahaa wada shaqeyn u dhaxaysa labada dhinac.
Prof. Maxamed Daahir Afrax oo ka hadlay kulankaasi ayaa si faah-faahsan uga warbixiyay taariikhda, waajibaadka ay u xil-saaran tahay iyo dadaalka ay Akadeemiyada Aga ugu jirto daryeelka iyo nooleynta afka Soomaaliga, waxaana uu caddeeyay afka Soomaaliga inuu yahay af hodon ah, kaasi oo ka mid ah 12-ka luqaddood ee ugu muhiimsan Qaaradda Afrika.
“Dawladda Turkiga waxaan ugu mahadnaqayaa taageerada ay siiyaan shacbiga Soomaaliyeed, sidoo kale haddaan nahay bahda Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga waxaan abaal weyn u haynaa Saafaradda Turkiga ee Sooomaaliya iyo Hay’adda Macaarif ee martigilasay Akadeemiyada Aga” ayuu yiri Prof. Afrax oo sheegay inay Akadeemiyadu u baahan tahay intii suurtagal ah taageerada Dawladda Turkiga.
Agaasimaha Hay’adda Macaarif Mustafa Yilmaz oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay la kulanka madaxda Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, waxaana uu tibaaxay inuu soo dhaweynayo dadaalka ay Aga ugu jirto hiilka afka Soomaaliga, isagoo balan-qaaday inuu wada shaqeyn dhaw la yeelan doono, si ay labada dhinac uga wada faa’iidaystaan xagga afka, dhaqanka iyo hal-abuurka labbada ummaddood.
Munaasabaddii kulankaasi oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan ayaa goob joog waxaa ka ahaa Prof. Mustafa C/llaahi Feyruus oo ka tirsan madaxda Akadeemiyada, Xoghaynta guud ee Aga Seynab Xaaji Axmed (Ugbaad) iyo xubno kale oo ka socday dhanka Hay’adda Macaarif.















