Munaasabad loogu talaggalay daahfurka buugga “Dheelitirka Suugaanta Soomaalida”, ayna ka soo qaybgaleen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, guddoomiyihii hore ee G/Banaadir, madaxda hay’adda culumada Soomaaliyeed & bahda naadiyada akhriska iyo qoraalka ayaa11/10/2026, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Qoraaga buugga “Dheelitirka Suugaanta Soomaalida” Abwaan Cali Maxamuud Axmed (Boojac) oo ka hadlay munaasabaddii bandhigga buuggiisa ayaa sheegay buugga “Dheelitirka Suugaanta Soomaalida” inuu si weyn ugu falanqeeyay suugaantii hore iyo suugaantii dhexe ee Soomaalida, wuxuuna caddeeyay suugaanta ku jirta buugga inay isugu jirto suugaanta gobollada kala duwan ee dhulka Soomaalida, isagoo iftiimiyay buuggu inuu yahay mid muujinaya doorka ay suugaantu ku leedahay kaydinta taariikhda, dhaqanka, iyo hiddaha ummadda.
Xildhibaan Maxamed Axmed Beerey, Xildhibaan Yuusuf Xayle, guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Cumar Filish, guddoomyaha Akademiyada Cilmiga Ismaaciil Yuusuf Cismaan, guddoomiyaha hay’adda Culumada Shiikh Bashiir Axmed Salaad, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo guddoomiyaha bandhigga buuggaasi Laashin Ciise Ganey oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in buugga “Dheelitirka Suugaanta” uu yahay buug ay bulshadu wax badan ka faa’iidi doonto, iyagoo bogaadiyay qoraha soo saaray buugga “Dheelitirka Suugaanta”.
Gunaanadkii qoraaga buugga ayaa u saxiixay buuggiisa madaxdii iyo shqsiyaadkii iibsaday buuggaasi.
Qoraaga buuggani Abwaan Cali Maxamuud Axmed (Boojac), waa aqoonyahan ku takhasusay baarista afka, dhaqanka, iyo hal-abuurka Soomaaliyeed. Buuggiisa cusub, waxa uu ka mid noqonayaa kaydadkii ugu dambeeyey ee loo sameeyo xifdinta suugaanta Soomaaliyeed, si looga badbaadiyo khalkhal ama lumitaan.


















