Guddoomiyaha midowga qorayaasha Soomaaliyeed Xasan C/llaahi Cabdiraxmaan (Qaraabo) ayaa maanta oo ku beegan 11/10/2026, waxa uu deeq buugaag ah soo gaarsiiyay maktabadda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga ee magaalada muqdisho.
Maamulaha maktabadda AGA Maxamedwali Cabdi Shiikh Rashiid ayaa guddoomiyaha midowga ka guddoomay deeqdaasi buugaagtaasi ah ee uu soo gaarsiiyay maktabdda AGA.
Midowga qorayaasha ayaa buugagta deeqda ah ee uu ku wareejiyay maktabadda AGA, waxay isugu jirtay nuqullo ka mid ah buugga “Waxaad Tahay Boqorad” iyo “Handhis”. Iyadoo midowga ay halkaasi ka ballanqaadeen inay si joogto ah maktabadda u soo gaarsiin doonaan deeqaha buugagta ah ee uu helo, si loo kobciyo akhriska, aqoonta iyo horumarinta Af Soomaaliga.
Dhanka kale, AGA ayaa midowga qorayaasha uga mahadcelisay taageeradan qiimaha leh iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarinta dhaqanka akhriska iyo faafinta aqoonta.