Munaasabad aad u ballaaran oo loogu talaggalay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Akhris-qoraalka, ayna ka soo qaybgaleen Wasiirro, Danjirayaal, guddoomiyayaal, xeeldheerayaal afeed, macallimiin, arday iyo marti sharaf kale ayaa maanta oo ku beegan 7/9/2026, waxaa lagu qabtay masraxa Shariif Saalax ee magaalada Muqdisho.
Ugu horayn, waxaa munaasabadda furey, guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Dr.Maxamed Maxamuud oo halkaasi ka soo jeediyay hadallo isugu jirey soo dhaweyn & sida loogu baahan yahay in loo xoojiyo akhris-qoraalka.
Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Macallin Saciid Saalax oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa ka sheekeeyay taariikhda & heerarkii uu soo maray xuska akhris-qoraalka, isagoo si weyn u iftiimiyay muhiimmadda uu akhris-qoraalka u leeyahay horumarinta afka & hal-abuurkiisa suugaaneed.
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga Md. Ismaaciil Yuusuf Cismaan & guddoomiyaha Midowga Dugaiyada G/Banaadir C/qaadir Maxamed Xasan oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ka go’an tahay xoojinta akhris-qoraalka, iyagoo xusay inay wax walba ka horumarin doonaan akhris-qoraalka.
Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Danjire Cismaan Dubbed Sugulle oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka soo qaybgalka munaasabaddaas, wuxuuna iftiimiyay dadaalka ay dawladda Jabuuti ugu jirto hiilka & xoojinta af Soomaaliga, isagoo ku ammaanay Akademiya Goboleedka AGA doorkeeda ballaaran ee ku aaddan horumarinta akhris-qoraalka.
Wasiirka Waxbarashada XFS Faarax Shiikh C/qaadir oo gunaanadkii xuskaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu Akademiya Goboleedka AGA, Jaamacadda Ummadda, Akademiyada Cilmiga & Midowga Dugaiyada G/Banaadir uu ku bogaadinayo weyneynta xuskaas, wuxuuna iftiimiyay dadaalka ay dawladda Soomaaliya ugu jirto kor u qaadidda akhris-qoraalka.
Gabagabadii munaasabaddaasi waxaa lagu bixiyay abaalmarinno kala duwan oo la guddoonsiiyay shaqsiyaad, naadiyo, hay’addo & xafiiska Ra’iisulwasaaraha XFS, kuwaasi oo ku mutaystay kaalintooda ku aaddan taageerida & la shaqaynta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga.

















