Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa maanta oo ku beegan 17-December 2018-ka waxa ay tababbar ku saabsan Qoraal-Curinta Toolmoon u furtay Dufcaddii Seddexaad ee loo qabto tababbarkaas.
Tababbarkaas oo loogu tala galay inuu socdo muddo laba maalin ah ayaa waxa ka faa’iidaysan doono 40- xubnood oo ka kala socda Naadiga akhristayaasha Xamar, Xarunta Ifiye, Naadiga Maskax-shiil iyo dhallinyaro kale oo danaysa akhriska iyo qoraalka.
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ka hadlayay munaasabaddii furitaanka tababbarkaas ayaa sheegay inuu si diirran u soo dhaweynayo dhallinyarada ka qeyb qaadanaysa tababbarkaas, waxaana uu tibaaxay inuu da’ yartaas ku bogaadinayo sida ay isugu soo xil-qaameen ka qeyb-qaadashada tababbarkaas.
Dr. Afrax oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuux-nuuxsadey hadafka Akdeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga inuu yahay sii kobcinta aqoonta dhallinyarada hibada u leh akhriska & qoraalka, waxaana uu hoosta ka xariiqay Aga inay ka go’an tahay daryeelka iyo horumarinta afka hooyo iyo hal-abuurkiisa.
Munaasabaddaas waxaa iyaguna ka hadlay Madaxa Tababbarada Aga Al-ustaad C/llaahi Shiikh Cabdi (Gacanka), Guddoomiyaha Akhristayaasha Xamar Sacdiyo Muxyadiin Axmed (Midnimo) iyo Cabdi-wahaab Axmed Cali oo ku hadlayay magaca Xarunta Ifiye, kuwaasi oo ka hadlay sida ay ugu faraxsan yihiin ka qeyb qaadashada tababbarkaas.
Tababbarkaas oo ah mid uu heerkiisu aad u sareeyo ayaa maalmaha uu socdo waxaa lagu qaadan doonaa duruus ay ka mid yihiin Astaamaynta Qoraalka, Adeegsiga Ereyada, Jaadadka Qoraalka, Rukunada Qoraal Qurxinta, Gorfaynta Toolmoon, Fanka Sheeko Curinta iyo casharo kale oo aad u xiiso badan.
Duruustaas qiimaha badan ayaa si talan-taali ah waxaa u bixin doono macallimiinta kala ah Prof. Maxamed Daahir Afrax, Prof. Mustafa C/llaahi Feyruus iyo Al-ustaad C/llaahi Shiikh Cabdi Aadan (Gacanka).
Dufcadda 3-aad ee tababbarka uu maanta u bilowday ayaa qeyb ka ah 120 xubnood oo loogu tala galay in lagu tababbaro Qoraal-Curinta Toolmoon, kuwaas oo gaba-gabada tababbaradaan la guddoonsiin doono Shahaadooyin iyo Abaal marino kale.
![]()













