Guddoomiya Kuxigeenka Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) ayaa maanta oo ku beegan 23/6/2026, waxa uu maamulka maktabadda AGA uu ku wareejiyay nuqullo ka mid ah buugaagta kala ah Agnaanyahan iyo Qadan.

Dr. Xuseen Wadaad oo wareejintaas kaddib, halkaasi ka hadlay ayaa caddeeyay in buugaagta uu soo gaarsiiyay maktabdda AGA inay ka kala yimaadeen Bashiir iyo Sadra oo ka mid ah bahda Laashin, isagoo u mahadnaqay qoraayaasha buugaagtooda ku deeqay maktabadda Akademiyada.

Maamulaha maktabadda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Maxamedwali Shiikh Cabdirashiid oo guddoomay buugaagtaasi ayaa sheegay inay maktabadda AGA soo dhaweynayso qoraa kasta oo ugu deeqayo buuggiisa, isagoo caddeeyay akhristayaal badan inay ka faa’iidaysan doonaan buugaagta cusub ee la soo gaarsiiyay maktabadda Akademiyada.