Madal aqooneed loogu talaggalay gorfaynta buugga “Habdhigaalka Af Soomaaliga Guud”, ayna ka soo qaybgaleen aqoonyahanno, qorayaal, bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale ayaa 10/6/2026, waxaa lagu qabtay xarunta maktabadda Dhaxalreeb ee magaalada Muqdisho.
Ugu horreyn, waxaa madashaas ka hadlay qoraaga buugga Habdhigaalka Guud Af Soomaaliga Barasare Cabdalla Cumar Mansuur oo si kooban uga warbixyay nuxurka uu xambaarsan yahay buugiisa, isagoo si gaar ah ugu mahadnaqay maktabadda Dhaxalreeb oo soo agaasintay gorfaynta lagu samaynayay buugiisa.
Falanqeeyaasha kala ah: Axmed Cabdi Maxamed, Maxamed Axmed Dirir, C/qaadir Jubba iyo Mustafa fayruus oo soo wada akhriyay buugga la gorfaynayay ee Habdhigaalka Af Soomaaliga Guud ayaa ka qaybgalayaasha la wadaagay ammaan iyo dhallil hadba waxa uu leeyahay buugaasi, waxayna caddeeyeen inuu buugaasi yahay mid waxtar badan u leh bulshada Soomaaliyeed, iyagoo qiray in si cilmi ah oo ku dhisan hannaan farshaxnimo loo qorey buugaasi.
Qaar ka mid ah ka qaybgalayaashii madashaasi ayaa su’aallo kala duwan weydiiiyay qoraha buugaasi Barasare Cabdalla Mansuur, iyadoo uu isna uga jawaabay.