Guddigii u xilsaarnaa ereybixnta Amniga Saybarka (Cyber Security) ee dhanka af Soomaaliga ayaa maanta oo ku beegan 6/6/2026, waxa uu si rasmi ah u gudagalay shaqadoodii ku saabsaneyd  ereybixinta (Cyber Security).

Kulankii koowaad ee guddiga oo ka dhacay xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa si aad ah waxaa loogu falanqeeyay sida ugu wanaagsan ee ereybixinta amniga saybarka loogu helii karo ereybixinta ku habboon ee dhinaca af Soomaaliga ah.

Guddigan oo ka kooban hay’adaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga, Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa la filayaa hawshooda inay sii socoto maalmaha iyo toddobaadyada soo socda.

Waa markii ugu horeysay ee ereybixin af Soomali ah loo samaynayo Amniga Saybarka (Cyber Security) oo ka mid ah cilmiga cusub ee tiknoolajiyada.