Cilmibaaris aad u qoto dheer oo ay sameeyeen aqoonyahannada iyo xeeldheerayaasha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), oo in muddo ah socotay, ayaa lagu ogaadey ereybixinta ugu habboon ee la siin karo Artificial Intelligence (AI), inay tahay Garaad Gacmeed (GG).

Ereybixnta Soomaaliga ee loo isticmaalo qeexidda Artificial Intelligence (Garaad Gacmeed), waxaa dhawaan shaacisay Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), gaar ahaan barasare Cabdalla Cumar Mansuur oo hoggaaminayay kooxdii soo saartay ereybixntaas ku aaddan  Artificial Intelligence (AI), waxaana ereybixintaas cusub soo dhaweeyay xarumo badan oo qaabilsan dhanka aqoonfaafinta, cilmibaarayaal, qorayaal iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed.

Ereybixintan ayaa qayb ka ahayd in ka badan 70 erey oo kusaabsanaa hawlaha Garaad Gacmeedka, oo ay Akademiyadu samaysay, kaddib markii xarunta ay qabatay aqoonwadaag muddo socday loogana doodayay ereyadaani khuseeya Garaad Gacmeedka (Artificial Intelligence).

Af Soomaaligu waa af hodon ah, sidaasi daraadeed waa lagama maarmaan in la kobciyo dhanka ereybixintiisa ku saabsan xagga tiknoolajiyadda. Barashada ereybixintaan cusub waa guul u soo hoyatay af Soomaaliga iyo ummadda ku hadasha.

Erybixntaan oo leh maqal iyo muuqaal, waxaa si faahfaahsan uga heli kartaa bogga Facebook iyo Youtube Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), halkaas oo uu barasare Mansuur ku sharraxayo.