Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa isagoo ku hadlayo magaca Akademiyada iyo magaciisa, wuxuu dhambaal tacsi ah u direy Guddoomiya kuxigeenka Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad), oo walaashiis (gabar la dhalatay) Seynab Maxamed Cabdulle ay ku geeriyootay waddanka Kenya.
Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa marxuumadda Alle uga baryay inuu Jannadiisa ka waraabiyo, qoyskii ay ka baxdayna, uu samir iyo iimaan ka siiyo.