Danjire Maxamed Cabdi Afey oo ah aqoonayhan Soomaaliyeed iyo ruugcadaa siyaasadeed ayaa 10/2/2026, waxaa loo doortya inuu noqdo ergayga gaarka ee Akademiya Goboleedka Af Sooomalaiga (AGA) ee waddanka Kenya oo ka mid ah dawladaha ku bahoobay Akademiyada Af Soomaaliga.
Danjire Afey ayaa xilkaas loo doortay, intii uuuu socday fadhigii wasiirrada dawladaha ku mataanaysan Akademiya Goboleedka, kaasoo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Ergayga cusub ayaa doorashadaasi kaddib, waxa uu halkaasi ka ballnaqaaday inuu u hawlgali doono hiilka iyo horumarinta af Soomaaliga ee waddanka Kenya.