Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa maanta oo ku beegan 5/1/2026, waxa uu shirguddoomiyay kulankii toddobaadlaha ahaa ee hawlwadeennada Akademiyada ee magaalada Muqdisho.

Macallin Saciid Saalax ayaa hawlwadeennada Akademiya Goboleedka ka dhagaystay qorshe hawleedkooda ku aaddan dhanka waxqabadka ee sannadka 2026.

Guddoomiyaha AGA oo halkaasi ka hadlay ayaa guddi walba ku bogaadiyay hawsha uu soo qabtay, wuxuuna kula dardaarmay in loo hawlgalo sidii loo fulin lahaa qorshe hawleedyada la soo bandhigay.