Home Wararka AGA Buugaag Cusub oo la soo Gaarsiiyay Maktabadda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Wararka AGA Buugaag Cusub oo la soo Gaarsiiyay Maktabadda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga November 25, 2025 Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Maktabadda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), oo ah maktabad aad u ballaaran oo loogu talaggalay dhisidda garaadka dadka, xoojinta akhrisqoraalka, dhiirrigalinta qorayaasha iyo daalacashada buugaagta kala duwan ayaa shalay oo ku beegneyd 24/11/2025, waxaa la soo gaarsiiyay buugaag cusub oo loogu deeqay maktabadda AGA. Madaxa Naxwaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Barasare Cabdalla Cumar Mansuur oo ka guddoomay buugaagtaas qoraaga Aaden Sheekh Saciid Bardaale ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo buug kasta oo lagu taageerayo maktabadda Akademiyada, waxaana uu caddeeyay in buugaagta loogu deeqay maktabadda ee kala ah “Kaydka Taariikhda Soomaaliya iyo Taariikhda Imaaradi Baardheere” in akhristyaasha maktabadda ay wax badan ka faa’iidaysan doonaan. Qoraha buugaagtaas qoraa Aaden Sheekh Saciid Bardaale oo isna halkaasi ka hadalay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in nuqullo ka mid ah buugaagtiisa uu soo gaarsiiyo maktabadda AGA, waxaana uu si kooban uga hadlay nuxurka iyo macluumaadka uu buug walba xambaarsan yahay. Sheekh Aadan Sheekh Saciid Baardheere “Al-Bardaali”, waa caalim, taariikhyahan, qoraa, iyo bare waxbarasho oo Soomaaliyeed. Wuxuu caan ku yahay waxbaridda iyo qorista buugaagta taariikhiga ah, gaar ahaan taariikhda Islaamka iyo Soomaaliya. Wuxuu horey u soo saaray buugaag dhowr ah oo ay ka mid yihiin: Taariikhda Taliskii Islaamiga ahaa ee Baardheere iyo Sooyaalka Gumaysiga Soomaaliya. MAQAALLO LA XIDHIIDHADHEERAAD AH OO KA SOO QORAAGA Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) oo ku Guulaysatay Ereybixnta Artificial Intelligence Akademiya Goboleedka (AGA) oo ka Tacsiyaysay Geerida ku Timid Fannaanadii Shankaroon Axmed Yuusuf Munaasabad Ballaaran oo isugu jirtay Duco, Xus iyo Xusuus oo Muqdisho loogu qabtay Prof. Cali Jimcaale Xulka Maqaallada FALANQEYNTA KULALIHI (W/D PROF. CABDULQAADIR RUUMI) November 5, 2025 Dagaalkii Qaboobaa ee Qalinka! October 28, 2025 Hayaan iyo Hugun October 25, 2025 Tacliinta Sare iyo Afka Hooyo October 12, 2025 Maalinta Caalamiga ah ee Akhris Qoraalka September 9, 2025 Maqal iyo Muqaal Daawo: Madaxa Naxwaha AGA Barasare Cabdalla Mansuur oo Sharraxaya Ereybixinta... April 5, 2026 Daawo Xafladii Maalinta Afka Hooyo oo lagu qabtay Xarunta Akademiya Goboleedka... February 22, 2026 Daawo: Guddoomiye Kuxigeenka AGA oo Akhrinaya Warmurtiyeedka Fadhigii Wasiirrada iyo Kalfadhigii... February 13, 2026 Daawo: Ra’iisulwasaare Kuxigeenka Soomaaliya oo soo Xirey Fadhiga Wasiirrada & Kalfadhiga... February 12, 2026 Daawo: Hadaljeedintii Wasiirka Waxbarashada Faarax Cabdulqaadir uu ka Jeediyay Furitaankii Fadhiga... February 11, 2026