Munasabad aad u ballaaran oo loogu tallagalay bandhigga ereybixinta Garaad Gacmedka (Artificial Intelligence), ayna soo qabanqaabisay Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga AGA ayaa 9/11/2025, waxaa lagu qabtay xarunta Akademiyada ee magaalada Muqdisho.
Bandhigaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay Xildhibanano, Wasiirro hore, madax ka socotay jaamacadda King’s College London, guddoomiyaal, maareeyaal, qorayaal, dhallinyarada jecel akhriska iyo qoraalka iyo marti sharaf aad u badan.
Kusimaha guddoomiyaha Akdemiya Goboleedka Af Soomaaliga Barasare Cabdalla Cumar Mansuur oo furey bandhigaas ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ereybixinta cusub oo ay Akademiyada u samaysay Garaad Gacmeedka (Artificial Intelligence), wuxuuna caddeeyay af kasta inuu u baahan yahay ereybixin joogto ah, isagoo ballan qaaday inay Akademiyadu sii wadi doonto ereybixnnada af Soomaaliga.
Mr. Peter James Chonka oo ah mas’uul ka socday jaamacadda King’s College London oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka soo qaybgalo bandhigga ereybxinta Garaad Gacmeedka, waxaana uu tilmaamay inay jaamacadiisa ka go’an tahay taageerida cilmibaarista iyo ereybxinta af Soomaaliga, isagoo u mhadnaqay Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo isku soo duwday bandhigaas loogu tallagalay ereybixinta Garaad Gacmeedka.
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu, maareeyaha hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasiin Shiikh, guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Md, Ismaaciil Yuusuf Cismaan, maamulaha xarunta Dhaxalreeb Cabdi Baafo iyo mas’uuliyiin kale oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay ereybixntaasi loo sameeyay Garaad Gacmeedka, iyagoo Akademiyada AGA, Jaantus iyo jaamacadda King’s College uga mahadnaqay dadaalkooda ku aaddan dhanka ereybintaas.
Munaasabadaas ayaa ku soo dhammaatay jawi aad u wanaagsan.



















