Madaxa tababbarada Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Md, C/llaahi Sheikh Cabdi Aadan (Gacanka) ayaa cashar ku saabsan Qoraalka Toolmoon ee Afka Soomaaliga iyo Naxwaha Afka iyo Suugaantiisa waxa uu siiyay Konton ka mid ah aradyda wax ka barata Jaamacadda Daarul Xikma ee magaalada Muqdisho.
Tababbarkaasi oo loogu tala galay inuu socdo hal maalin ayaa waxaa soo agaasimey Midowga ardayda Jaamacada Daarul Xikma iyo Xafiiska Jaamacaddaasi u qaabilsan arrimaha xiriirka Dibadda.
C/llaahi Sheikh Gacanka oo ahaa macallinkii bixinayay casharadaasi ayaa ardayda la wadaagay qeybaha uu kala baxo Qoraal-Curinta Toolmoon iyo hodontimada suugaanta Soomaalida, waxaana uu tibaaxay in muwaadin walba looga baahan yahay inuu qiimeeyo afkiisa, isagoo ardaydaasi ku guubaabiyay inay u hawlgalaan daryeelka afka hooyo.
Qaar ka mid ah ardaydii ka qeyb galaysay tababbarkaasi ayaa sheegtay inay ku faraxsan yihiin tababbarakaasi la siiyay, waxayna halkaasi uga mahadnaqeen macallinkii bixinayay casharadaasi, iyagoo balan-qaaday wixii la baray inay ku dabaqi doonaan qoraalada ay sameeyaan.
Tababbarkaan ayaa qeyb ka ahaa tababbaro baahsan oo ay Akdeemiyadu ugu tala gashay sare u qaadida afka hooyo iyo hal-abuurkiisa.















