Kulan ay ka soo qeyb-galeen Guddoonka iyo hawl-wadeenka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, loogana hadlayay sidii loo dhamaystiri lahaa hawlihii u qorshaysnaa AGA sannadka sii dhammaanayo iyo sidii loo diyaar-garoobi lahaa soo dhaweynta sannadka cusub ayaa shalay oo ku beegneyd 7/12/2020, waxaa lagu qabtay xafiiska Akadeemiye-Goboleedka ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax oo shirkaasi shir-guddoominayay ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay sidii la isaga kaashan lahaa dardar-galinta hawlaha ay u xil-saaran tahay AGA, waxaana uu iftiimiyay shaqooyinka laga sugayo inay Akadeemiyadu qabato ka hor inta aanu dhammaanin sannadka 2020-ka oo ay maalmo yar ka harsan yihiin.

“Laba oo shaqo oo miisaankooda leh ayaa doonaynaa inaan qabano ka hor inta aanu sannadka soo gaba-gaboobin, shaqada koowad ee aan qabanayno waa xus loogu tala-galay Boqol-guuradii ka soo wareegtay halgankii Sayidka, hawsha labaadna waa munaasabad loo qorsheeyay in lagu soo gunaanado shaqooyinkii ay Akadeemiyadu soo qabatay sannadka 2020-ka oo sii idlaanayo” ayuu yiri Dr. Afrax oo ku boorriyay xubnaha goosan hawleedka AGA ee Muqdisho inay dhexda u xertaan meel marinta shaqooyinkaasi sugayo.

Bare sare Mustaf C/llaahi Feysruus oo ka mid ah madaxda Akadeemiyada oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay meel fiican marayaan hawlaha Akadeemiyada, isaga oo caddeeyay in sida ugu haboon loo qaban doono shaqooyinka la qorsheeyay in sannadkaan lagu soo gaba-gabeeyo.

Qaar ka mid ah madaxda Guddiyo dhawr ah oo u xil-saarnaa shaqooyin kala duwan ayaa halkaasi ku soo bandhiggay halka ay u marayaan shaqooyinkii loo ikmadey, iyaga oo hoosta xarriiqay in 95% ay soo dhammaadeen hawlahaasi.