Xarunta Dhaqanka Awjaamac ayaa 21/2/2021 waxaa lagu qabtay xuska maalinta afka hooyo. Waxaana ka soo qaybgalay waalidiin, arday, macalimiin, ganacsato iyo aqoonyahanno. Halkudhigga sanadkan wuxuu ahaa “Afqalaad Aqoontu Miyaa”.

Barnaamijka ayaa ahaa qaab aqoon is-waydaarsi oo xoogga lagu saarayey muhiimadda ay ilmaha, ardayga, hooyada iyo qof kasta ay u leedahay barashada afkiisa hooyo. Waxaa marti ku ahaa Qoraa Maxamed Warsame Hiraabey, qoraaga buugga Fir sooca Sarbeebta AfSoomaaliga, inta bandanna ka qaybgalayaashu waydiinayeen su’aalaha la xiriira aqoonta afka iyo siyaabaha bulshadu ugu baraarugi karto.

Maxamed Warsame ayaana kula dardaarmay ka qaybgalayaasha in hadday rabaan jiritaankooda in uusan lumin ay bartaan afkooda, baraanna carruurta. Waalidiinta ka soo qaybgalay doodad ayaa goobta ka soo jeediyey siday baahi ugu qabaan in ay helaan goobo carruurta lagu baro afsoomaaliga, ayna u tahay arrin muhiim ah.

Sufiyaan Saciid oo ah Xoghayaha Guud ee xarunta dhaqaka, ahna bare afka Soomaaliga dhiga ayaa isaguna sheegay in xarunta ay diyaar u tahay in gacan ka geysato sidii ay ugu caawin lahayd barashada af-Soomaliga, iyadoo xaruntuna hadda waddo barnaamijyo kala duwan oo todobaadle ah, sida gorfaynta suugaanta, dhaqanka iyo taariikhda oo ah dooddo gacan ka geysanaya kobcinta aqoonta afka.

Sidoo kale dhalinyaro hal-abuur leh ayaa si farshaxannimo leh ugu soo bandhigay madasha suugaan ka hadlaysa qiimaha iyo hodannimada afka hooyo.

Xarunta dhaqanka ee Awjaamac waa hoyga kaydka dhaqanka, afka iyo suugaanta, waxayna saldhig u tahay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo SPEN ee Kenya.
AGA-Nairobi