Xubno ka mid ah hawlwadeennada Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga AGA ayaa ka qalinjabiyay kulliyadda afafka iyo suugaanta ee jaamacadda Green Hope ee magaalada Muqdisho.

Fadhicilmiyeed loogu talaggalay inay ardayda kulliyadaas ku difaacdaan buuggooda qalinjabinta (Thesis Defense) ayaa 16/4/2025, waxa uu ka dhacay xarunta jaamacadaas ee G/Banaadir.

Maamulaha Maktabadda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Maxamedwali Cabdi Sheekhrashiid iyo Agaasimaha Tifaftirka iyo Faafreebka AGA Dayax Axmed Maxamed ayaa qayb ka ahaa ardayda ka qalinjabisay kulliyadaas ee ka mid ah mas’uuliyiinta Akademiya Goboleedka.

Guddoonka iyo maamulka jaamacadda Green Hope ayaa ugu hambalyeeyay ardaydaas guusha ay ka soo hoyeen difaacashada buuggooda qalinjabinta iyo u soo dhabar-adeygii dhanka waxbarashada ee kulliyadaasi.

 Horay ayaa Akademiya Goboleedka, waxaa kulliyadaasi uga soo qalinjabiyay xubno ay ka mid ahaayeen Axmed Maxamuud Dhicisow, Cabdulqaadir Cabdi Axmed (Jubba), Saynban Xaaji Axmed (Ugbaad) iyo Najmo Maxamuud Shiikh Cumar, kuwaasi oo qayb ka ahaa dufcaddii koowaad ee kulliyadaasi ka aflaxda.