Xoghayaha cilmibaarista Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) aqoonyahan Maxamed Xasan Cabdullaahi (Geelle), ayaa 28/5/2024 wuxuu aaladda barkulanka ee TwitterXSpace uu kaga qaygalay kulancilmiyeed lagu gorfaynayay qoraalka & doorka akhriska.

Kulan cilmiyeedkaasi, oo ay soo qabanqaabisay madbacadda Diiwaan ee magaalada Hargaysa ayaa xoghayaha AGA ee cilmibaarista waxaa kala qaybgalay aqoonyahan Muxumad Maxamed Muxumed (Khadar), iyadoo ay daaddihinaysay Drs. Idil Cismaan Axmed.

Ugu horreyntii Md, Geelle ayaa si ballaaran uga hadlay ahmiyadda aan la soo koobi karin ee uu akhrisqoraalku u leeyahay bulshada, wuxuuna iftiimiyay inuu akhrisku yahay waddada keliya ee lagu kobcin karo garaadka. Isagoo isbarbardhigay akhriste iyo ma akhriste wuxuuna yiri: “Ruuxaan wax akhriyin wuxuu la mid yahay: qof ay neeftu hayso, oo nolol iyo geeri u dhexeeya. Midka wax akhriyaana wuxuu la mid yahay mid waaya-arag xog-ogaal ah.”

Xoghayaha AGA, oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay qodobbo tiro ah, oo la xidhiidha akhriska wanaagsan iyo kuwo kale oo iyana muhiim ah oo looga baahan yahay qoraaga wanaagsan.

Sidoo kale, waxaa kulankaasi ka hadlay qoraa Khadar oo si kooban u guudmaray xidhiidhka ka dhexeeya akhriska & qoraalka, wuxuuna uu ku dheeraaday kaalinta uu akhrisku ugu jiro qoraalka, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in akhrisku lamahuraan u yahay qoraalka, ruux kastana inta uu akhriyo inuu qoro.

Ugu dambayn, waxa iyana aqoonisweydaarsiga bilay oo xogo muhiim ah ku biiray qayb ka mid ka soo qaybgalayaasha, oo tilmaamay inay lagamamaarmaan tahay in la barto habka wax-akhriska toolmoon.