Kulan gaar ah oo ay isugu yimaadeen Xildhibaano ka mid ah Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo madax ka tirsan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), loogana hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa daryeelka afka Soomaaliga ayaa lagu qabtay magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska.
Al-ustaad Cabdulqaadir Ruumi oo ka tirsan masuuliyiinta Akadeemiyada Aga ee fadhigoodu uu yahay wadanka Ingiriiska ayaa hadal uu munaasabadaasi ka soo jeediyay waxa uu kaga warbixiyay hawlaha ay u xil-saaran tahay Aga, waxaana uu ka codsadey Xildhibaanad Maryan Maxamed inay hormud ka noqoto sidii loogu hiilin lahaa afka hooyo, isagoo halkaasi ku gudoonsiiyay nuqul ka mid ah Warsidaha Aga.
Xildhibaan Maryan Maxamed Duuliye oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso dadaalka ay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ugu jirto illaalinta afka Soomaaliga, waxaana ay balanqaaday inay la shaqeyn doonto Akadeemiyadaasi, iyadoo dhinaca kale u mahad-celisay Al-ustaad Cabdulqaadir Ruumi oo kulankaasi suura galiyay.
Laanta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee fadhigeedu uu yahay dalka Ingiriiska ayaa waxay ka mid tahay qeybha ugu dhaq-dhaqaaqa fiican Akadeemiyada Aga, laantaas oo ay ka hawl galaan aqoonyahano macruuf ah ayaa mar walba waxay isku hawshaa sidii ay uga soo dhalaali laheyd waajibaadka ay u xil saaran tahay.















