Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Khaalid Macoow Cabdulqaadir ayaa sheegay in horumar ballaaran oo lagu faani karo uu sameeyay Warsidaha ku hadla codka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA).

Xildhibaan Khaalid Macoow oo ka mid ah akhristayaasha Warsidaha Akadeemiyada ayaa caddeeyay inuu Warsidahaas ka helo macluumaad isugu jira aqoon, dhaqan, suugaan iyo hal-abuur waxtar u leh ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu iftiimiyay Akademiye-Goboleedku inay mudan tahay in lagu bogaadiyo soo saarista Warsidahaas dhaxalgalka ah.

“Dhammaan inta bog ee uu ka kooban yahay Warsidaha AGA si farxad leh ayaan u akhristaa, Tallo-ahaan waxaan ku tallin lahaa in la kordhiyo xilliyada uu soo baxo” ayuu yiri Xildhibaan Khaalid oo balan-qaday inuu qoraallo ku saabsan dhinaca aqoon-faafinta uu la soo wadaagi doono bahda warsidahaasi.

Warsidaha AGA waa Warside sannadkii labaad si joogto ah u soo baxayo, waxaana lagu daabacaa warrar iyo warbixinno ka hadlayo dhinacyada afka, dhaqanka iyo hal-abuurka.