Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay tayada iyo quruxda uu leeyhaay Warsidaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomalaiga (AGA).

“Aniga ka Xildhibaan ahaan aad baan u taagearayaa in la helo Warisde u gaar ah arimaha afka, dhaqanka, suugaanta iyo hal-abuurka, waxaana ku talinayaa in la badiyo caddadka laga soo saaro Warsidahaan” ayuu yiri Xildhibaan Dhalxa oo caddeeyay inuu qoraallo la soo wadaagi doono Warsidahaas.

Warsidaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, waa Warside xilliyeed oo ku hadla codka Akadeemiye-Goboleedka (AGA), Warsidahaas ayaa dhawrkii biloodba mar soo baxa, caddad walbana waxa uu  ka kooban yahay 16 bog, sanadkii labaad ayaa Warsidahaas dhawaan u  buuxsami doonta haddii uu Alle idmo.