Xarun cusub oo qaabilsan horumarinta afka, dhaqanka iyo suugaanta oo loogu magac-darey (Horukac), ayna ku midaysan yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed oo isku xil saartay illaalinta iyo daryeelka arimahaas ayaa shalay oo ku beegneyd 8/8/2019 waxaa looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.
Munaasabaddii furitaanka Xaruntaasi oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madax ka socotay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), masuulyiin matalaysay Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyio Suugaanta, wakiilo ka socday naadiyada akhriska iyo qoraalka, xubno ka socday bahda waxbarashada iyo dhallinyarada xiisaysa afka, dhaqanka iyo hal-abuurkiisa.
Agaasimaha Waxbarashada Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, ahna Guddoomiyaha Naadiga Somalipen Al-ustaad Cabdi-naasir Yuusuf Macallin oo ka hadlay furitaankii Xaruntaasi ayaa sheegay Akadeemiyada AGA inay ku faraxsan tahay abuuritaanka Xaruntaasi, waxaana uu caddeeyay inay Horukac gacan ka siin doonaan adeegyada ay u baahan yihiin, isaga oo madaxda iyo hawl-wadeenka Xaruntaasi soo gaarsiiyay salaan iyo Hambalyo uu uga siday Guddoomiyaha AGA Prof. Maxamed Daahir Afrax.
“Waqti fiican oo aad loogu baahi qabay Xarun ceynkaan oo kale ah ayay dhalatay Xarunta Horukac, waxaana rajaynayaa bulshadu inay Xaruntaan wax badan ka faa’iideysan doonto” ayuu yiri Al-ustaad Cabdi-naasir Yuusuf oo Xaruntaasi kula dar-daarmay inay ka dhabayso sidii ay hiil ugu noqon laheyd daryeelka afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Agaasimaha horumarinta afka ee Akadeemiyada Cilmiga iyo Suugaanta Abwaan Barre Shiikh (Bangaladesh), Maamulaha Xarunta Hal-door Dayax Axmed Maxamed iyo masuulyiinta ka kala ah Axmed Abshir Geedi oo ka socday Xarunta Gurya-samo iyo Bashiir Cabdi Maxamed (Balcad) oo ku hadlayay magaca naadiyada ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan dhalashada Xaruntaasi, waxayna balan qaadeen inay la shaqeyn doonaan.
Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guud ee Xarunta Horukac Yaxye Daahir Xuseen (Axyaa Wadani) iyo C/qaadir Axmed (Jubba) oo iyaguna munaasabaddaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay baahida keentay dhismaha Xaruntaasi iyo hawlaha ay qaban doonto, iyaga oo dhinaca kale u mahade-cliyay Guddoomiyaha AGA oo ay sheegeen inay u hayaan Abaal aaney waligood illoobi doonin.
Gaba-gabadii, waxaa halkaasi lagu soo bandhiggay dad isugu jiray rag iyo haween oo Xaruntaasi ay bartay akhriska iyo qoraalka farta Soomaaliga, arintaas oo aad loogu ammaanay Xarunta Horukac.














