Munaasabad lagu maamuusayay soo bandhiggida tarjumaadda kitaabka jus Camma, ayna ka soo qeyb-galeen madax ka socotay culumada Soomaaliyeed, maamulka G/Banaadir, wakiillo matalayay xarumaha faafinta diinta, bahda waxbarashada, qorayaal, dhallinyaro iyo marti sharaf aad u fara badan ayaa shalay oo ku beegneyd 18/8/2021, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Hadal ay munaasabadaasi ka soo jeediyeen Guddoomiyaha hay’adda culumada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad, Guddoomiyaha madasha culumada Soomaaliyeed Shiikh Cabdi-xayi Aadan Xasan, Shiikh Maxamed Yaasiin iyo Shiikh Xasan Al-wajiidi ayaa soo dhaweeyay in af Soomaali lagu tarjumo juska 30-aad ee Quraanka kariimka ah, waxayna soo jeediyeen in kitaabkaas laga faa’iideysto, iyaga oo u mahadceliyay qoraha kitaabkaasi Maxamed Xirsi Guuleed (Cabdi-bashiir).
Guddoomiye Ku-xigeenka maamulka G/Banaadir Basma Caamir Jakeeti, Gudoomiye Ku-xigeenka ururka jaamacadaha, ahna guddoomiyaha jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Axmed Bidey iyo Guddoomiye Ku-xigeenka midowga qorayaasha Soomaaliyeed Najma Maxamuud Shiikh Cumar oo iyaguna munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin ka soo qeyb-galkooda ku aadan bandhigga kitaabkaasi, waxayna bulshada ku booriyeen in ay bartaan kitaabkaasi, iyaga oo ku bogaadiyay xarunta Gurya-sanmo soo agaasimida bandhigaasi.
Wakiillo ka kala socday shirkadaha Daallo Airline, Amtel iyo Al-qalam ayaa xafladaasi ka balanqaaday in ay si lacag la’aaan ah u daabci doonaan nusqooyinka kale ee Quraanka kariimka ah marka lagu tarjumo afka Soomaaliga
Munaasabadaasi oo ay goob joog ka ahaayeen midowga dugsiyadda G/Banaadir iyo midowga macallimiinta Soomaaliyeed ayaa gaba-gabadeedii waxaa lagu qeybiyay boqollaal nuqul oo ka mid ah kitaabka jus Camma ee lagu tarjumay afkeena hooyo.