Magaalada Nairobi ee wadanka Kiinya waxaa si habsami leh uga socda barnaamij loogu magac darey Todobaadka Dhaqanka Soomaalida ku nool magaaladaasi, kaasi oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Dhaqanka Aw-Jaamac Cumar Ciise ee Xaafadda Islii.

Munaasabaddii furitaanka toddobaadkaasi waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Kiinya, Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kiinya, siyaasiyiin caan ah, masuuiyiin ka socday Gobollada Mandheere iyo Siyoolo, wakiilo matalayay ganacsatada wadankaasi, aqoonyahanno, dhallinyaro, haween, fannaaniin  iyo dadweyne aad u fara badan.

Al-ustaad Maxamed Xasan Cirro oo  ka mid ah masuuliyiinta xarunta Aw-Jaamac ayaa Saxaafadda la wadaagay barnaamijyada lagu soo bandhiggayo toddobaadka dhaqanka, waxaana uu  hoosta ka xariiqay in Hal-heyska sanadkaan uu yahay “Wada Shaqeyn”.

“Sanadkaan waxaa ahmiyad  ballaaran  la siiyay  is-dhexgalka bulshada, dhiiri-galinta dhallinyarada, soo bandhigida hiddihii iyo agab dhaqameedkii Soomaalida, intaasi waxaa bar-bar socda Dooddo iyo hadal jeedinno ay ka qeyb qaadanayaan siyaasiyiin iyo aqoonyahanno kala duwan, ujeedada sanad walba bandhiggan loo qabto waa sidii dadyowga halkaan ku dhaqan loo tusi lahaa dhaqankii hodonka ahaa ee ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Md, Cirro oo dhanka kale caddeeyay in halkaasi lagu soo bandhiggay in ka badan Seddex Boqol oo buug iyo War-sidayaal macruuf ah.

Qaar ka mid ah madaxdii iyo dadkii ka soo qeyb galay barnaamijkaasi ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan qabashada toddobaadka dhaqanka Soomaalida ku nool magaalada Nairobi, waxaana ay halkaasi uga mahad celiyeen xarunta Aw-Jaamac soo  qaban qaabisay toddobaadkaasi.