Bandhig si heersare ah loo soo agaasimay oo lagu baalfurayey buugga Boojin ayaa lagu qabtay xarunta Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA).
Baalfurkaan oo ay ka soo qaybgaleen madax kala duwan iyo bahda qalinlayda ayaa ugu horrayn waxaa xarunta ka soo qaybgalayaashii buugga ku soo dhowaysay Najma Maxamuud Cumar (Qaran-bila) oo ah agaasimaha arrimaha bulshada ee Akademiyada AGA.
Najma ayaa ka sheekaysay hawlaha ay Akademiyada ka shaqayso inuu qayb ka yahay dhiirrigelinta buugaagta iyo qorayaasha, sidoo kale waxay ku dheeraatay hawlaha joogtada ah oo ay Akademiyada bulshada u hayso iyada oo si diirranna ugu soo dhowaysay xarunta.
Waxaa la guda galay falanqaynta buugga, waxaana codbahiyaha lagu soo dhoweeyay dhallinyaradii buugga soo akhrisay oo kala ahaa:
Cabdulqaadir Cabdi Axmed (Jubba), farxiya Muxudiin Yuusuf (Lama-filaan) iyo Caydaruus Maxamuud Cismaan, waxaa ay ka sheekeeyeen buugga iyo nuxurka sheekada Boojin oo ah sheeka faneed taabanaysa xaaladihii iyo dhacdooyinkii la soo maray ee nolasha iyo jacaylka ah ayaa ka sheekaynaysa dhacdooyin xanuun badan.
Boojin waxay ka sheekaynaysaa dhallinyaro colaad ku dhex koray, wax ku baranaysa