Maalmuhu wey socdaan, waqtiguna waa is gurayaa, maalmo kooban ayaa innaga xiga waqtigii loo ballamay in caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, lagu soo bandhiggo buugga Dardaaran.
Bandhigga buugaasi oo ku beegan 23/10/2024, ayaa lagu madlan yahay in daahfurkiisa uu ka dhaco galabnimada Arbacada, hoolka Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.
Boqollaal ka mid ah ehellada afka, dhaqanka, bahda waxbarashada iyo dhallinyarada jecel akhriska & qoraalka ayaa si weyn u sugayo maalinta lagu ballansan yahay bandhigga buugaas qiimaha badan
Ammaan iyo duco waxaa mudan marwo Sahra Kiin Cabdi Xirsi oo ka mid ah bahda qoraalka. Buugga dardaaran waa sheeko aan marnaba laga xiisa dhaceyn akhriskeeda, nasiib waxaa leh ruuxii hela nuqul ka mid ah buugaas.