Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, looguna talaggalay wareejinta deeq ay dawladda Talyaaniga ku wareejinaysay dawladda Soomaaliya, ayaa 27/11/2024, waxaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadaasi oo si weyn looga soo shaqeeyay ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirro, Xildhbanano, guddoomiyaal, safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, siyaasiyiin, aqoonyahanno, qorayaal iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadaasi.
Ugu horreyntii, waxaa munaasabadaasi ka hadlay sii hayaha xilka guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Barasare Cabdalla Cumar Mansuur oo xarunta AGA ku soo dhaweeyay dhammaan madaxdii iyo martidii ka soo qaybgashay munaasabadaasi, wuxuuna si faahfaahsan uga hadlay ujeeddada loo qabtay xafladaasi, isagoo ballanqaaday in la ilaalin doono qaybaha kala duwan oo ay kooban tahay deeqdaasi.
“Maanta waa maalin taariikhi ah, waa maalin ay dawladda Talyaaniga, deeq ka kooban Buugaag, Dokomintiyo iyo keyd dhaxalgal ah ay ku wareejinayso dawladda Soomaaliya, deeqdaas oo ah hanti qaran, waxaa soo dhiibtay jaamacadda Roma Tre ee dalka Talayaaniga” ayuu yiri Barasare Cabdalla Mansuur oo intaasi raaciyay inuu si gaar ah ugu mahadnaqayo Prof. Annartita oo isku soo duwday ururinta deqdaasi.
Prof. Annarita oo jaamacadda Roma Tre, madax uga ah qeybta Afafka oo iyadana aaladda fogaan aragga kaga qeyb qaadatay xafladda, ayaa si qoto dheer uga hadashay sida ay dawladda Talyaaniga u xafiday hantidaas ay leeyihiin ummadda Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha jaamacadda ummadda Soomaaliyeed Dr. Gacal iyo guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo iyaguna halkaasi ka haday ayaa soo dhaweeyay munaasabadaasi qiimaha badan oo ay Soomaaliya kula wareegayso deeqdaasi dhaxalgalka ah.
Safiirka dawladda Tal yaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Biyeer Mariyo Dacco ayaa dhankiisa u mahadceliyay labada Akademiyo iyo wasaaradda waxbarashada, wuxuuna tilmaamay inay dawladda Talyaaniga diyaar u tahay inay dawladda Soomaaliya kala shaqeyso arrimo badan.
Wasiir Kuxigeenka Caddaaladda iyo Dastuurka iyo Xildhibaan Cabdullaahi Xasan Rooble ayaa iyaguna sheegay inay ku faraxsan yihiin ka soo qaybgalka munaasabadaasi, iyagoo dhanka kale bogaadiyay dadaalka ay dawladda Talyaaniga ku bixisay ilaalinta hantidaasi ummadeed.
Ugu dambeyntii, waxaa munaasabadaasi soo gabaggabeeyay wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarah Shiikh C/qaadir oo si gaar ah ug mahadceliyay Prof. Cabdalla Cumar Mansuur iyo Prof. Annarita oo gacanta ku hayay deeqdaasi, waxaana uu caddeeyay inay dhawaan wasaaradda waxbarashada ay guddoonsiiin doonto Annarita billad heer qaran ah.
Sidoo kale, wasiir Faarax oo hadalkiisa sii wata, ayaa xusay in si wanaagsan looga faa’iidaysan doono deeqdaasi, isagoo gunaanadkii xafladaasi u mahadnaqay Akademiya Goboleedka iyo Akamiyada Cilmiga oo soo abaabulay munaasabadaasi.