Kulan isugu jirey xus iyo xusuus looguna ducaynayay Allaha u naxariistee Cabdinaasir Yuusuf Macallin, ayna soo qabanqaabisay Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga ayaa 30/9/2022, waxaa lagu qabtay Xarunta Akadeemiye Goboleedka ee magaalada Muqdisho.

Kulankaasi oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirro, Xildhibaanno, madax ka ka socotay ururada Bulshada,  mas’uuliyiin matalaysay naadiyada akhriska iyo qoraalka, aqoonyahanno, culumaaudiin, ehellada marxuumka iyo marti sharaf aad u badan.

Bilowgii xuskaasi ayaa marxuum Cabdinaasir Yuusuf waxaa loo akhriyay  qur’aan, iyada oo Alle looga baryay inuu jannadiisa ka waraabiyo.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha Xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo) iyo Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Cusmaan Muxyadiin Tahliil oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in marxuum Cabdinaasir uu ahaa haldoor naxariis badan, Af gaaban, dhawrsan oo cibaado badan, iyaga oo Alle uga baryay inuu jannada ka waraabiyo.

“C/naasir Ganey, waxa aan is naqaannay muddo dheer, waan soo wada-shaqeynay, waxa uu ahaa nin dabeecad wanaagsan oo inta badan ka hadla danta guud oo aan dantiisa ka hadlin,” ayay yiraahdeen Wasiirka iyo Guddoomiyaha oo marxuumka ku sifeeyay inuu ahaa qof dhawrsoon oo aan dhaadhac aqoon.

Prof Maxamed Cilmi Tooxow, Prof C/llaahi Cabdi Qaryan, Md, C/walli C/llaahi Shiikh Cumar, Md, Micraaj Axmed iyo Marwo Dahabo Shiikh Maxamuud oo iyaguna halkaasi hadlay ayaa ka sheekeeyay taariikhdii iyo waxqabadkii Marxuumka, waxayna Alle uga baryayeen inuu jannada ka waraabiyo.

Ugu dambayntii waxaa xuskaasi ka hadlay Rooble Axmed Iidle {Qalbi Taajir} oo ku hadlayay magaca Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga waxaana uu  sheegay in Cabdinaasir uu ka mid ahaa halyeeyadii soo aasaasay Akadeemiyada, waxaana uu iftiimiyay inay Akadeemiye Goboleedka sii wadi doonto dadaalkii uu marxuumku ugu jirey hiilka Afka Soomaaliga, isaga oo u rajeeyay inuu Alle Janddiisa geeyo.

ALLAHA u naxariistee marxuun C/naasir Ganey waxa uu ahaa guddoomiyihii naadiga qalinleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed ee (Somali Pen – Laanta Muqdisho), waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga, isaga oo ka mid ahaa golaha dhexe ee AGA, sidoo kale, waxaa uu xubin firfircoon ka ahaa bulshada rayidka ah, bahda warfaafinta Soomaaliya iyo mas’uul ka tirsan jaamacadda Muqdisho.