Wufuud heerkoodu uu aad u sareeyo oo ka kala yimid dibadda iyo gudaha Soomaaliya ayaa soo gaarey magaalada Muqdisho si ay uga qeyb-qaataan xuska munaasabadda loogu dabaal degayo shan sanno guuradii ka soo wareegtay dhalashadii Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA).

Wufuuddaasi  ayaa waxaa ka mid ah wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee Waqooyiga Ameeriko Macallin Saciid Saalax Axmed iyo wakiilada laamaha Akadeemiyada ee K/Galbeed iyo Puntland  Prof. Maxamed Cali Kalaay iyo Md, Maxamed Shiikh Xasan Af-guriye (Xukun).

Hadal kooban oo ay jeediyeen wakiiladaasi ayay ku sheegeen inay ku faraxsan yihiin ka soo qeyb galka xafladda shan sanno guurada dhalashadii Akadeemiyada Aga, iyaga oo u mahad celiyay Gudoomiyaha Aga Dr. Maxamed  Daahir Afrax oo munaasabaddaasi ku marti-qaaday.

Madax ka tirsan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ayaa si diiran u soo dhaweeysay wakiiladaasi madaxda ka ah  laamaha Akadeemiyada Aga.