Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo arimaha Bulshada Dawladda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa iyo Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ee wadanka Sweden Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) ayaa magaalada Zurich ee dalka Switzerland uga qeyb-galay bandhig loogu magac darey “Habeenka Hal-abuurka iyo Qoraaga” oo lagu qabtay magaaladaasi.

Xafladdaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu soo bandhiggay buuggaagta kala ah “Godob iyo Galad, Bidhaamiye iyo Gaso, Garuun iyo Gasiin”, waxaana ka soo qeyb-galay madax ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland, qorayaal, fannaaniin, aqoonyahanno iyo marti sharaf ka timid magaalooyin ka mid ah wadanka Jarmalka.

Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha iyo arimaha Bulshada Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa oo khudbad qiimo leh ka soo jeediyay munaasabaddaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay reer Switzerland u qiimeynayaan qorayaasha Soomaaliyeed, waxaana uu ku guubaabiyay dadka halkaasi ku nool inay carruurtooda barraan afka Soomaaliga, isaga oo kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan Midnimadooda.

Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee wadanka Sweden ahna qoraaga buugga Godob iyo Galad Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) oo isna Daah-furkaasi ka hadlay ayaa ugu horeyntii sheegay inuu la wadaagayo dadka Soomaaliyeed ee Switzerland salaan uu uga sido Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax, waxaana uu ka qeyb-galayaashii xafladdaasi uu uga warramay dadaalka ay Akadeemiyaddu ugu jirto hiilka afka Soomaaliga, isaga oo ku booriyay waalidiinta magaalada Zurich inay xil iska saaraan sidii ay ilmahooda u barri lahaayeen afkooda hooyo.

Dr. Xuseen Wadaad oo hadalkiisa sii wata ayaa si faah-faahsan u sharaxay ujeeddadii uu u qorey buugga Godob iyo Galad, waxaana uu hoosta ka xariiqay buuggaasi inuu ka hadlayo arimo ay ka mid yihiin Dhaqamada is-diidan, hawlaha Garsoorka, shaqooyinka Dambi-baarista iyo iftiiminta macluumaadka kale oo xiiso badan, isaga oo xusay bulshadu inay wax badan ka faa’iidaysan doonto.

Al-fannaan Bashiir Cali Xuseen oo ah qoraaga buugga Bidhaamiye iyo Al-ustaad Cabdiraxiim Hilowle Galayr oo isna ka hadlay buugga Gaso, Garuun iyo Gasiin ayaa mid walba waxa uu si gaar ah uga sheekeeyay nuxurka iyo cutubyada uu ka kooban yahay buug kasta oo ka mid ah buuggaagtaasi.

Qaar ka mid ah Masuuliyiintii iyo Aqoonyahannadii ka soo qeyb-galay xafladaasi oo ka kala socday wadamada Switzerland iyo Jarmalka ayaa sheegay inay tixgalin gaar ah u hayaan qorayaasha Soomaaliyeed, waxayna goobtaasi uga mahadnaqeen qorayaasha buuggaagtooda lagu soo bandhigay Zurich, iyaga oo tilmaamay inay wax badan ka kororsan doonaan akhriska buuggaagtaasi.

Dhinaca kale xubno ka tirsan fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa iyaguna xafladdaasi ku soo bandhiggay suugaan aad loo jecleystay oo ka tarjumaysay Wadaniyadda iyo Waxbarashada, horey ayaa Seddexdaasi buug loogu soo bandhiggay magaalooyin ka tirsan caalamka.