Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda JFS Xildhibaan Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa 30/10/2022 waxa uu booqasho ku yimid xarunta dhexe ee Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magalaada Muqdisho.
Wasiir ku xigeenka ayaa soo indha-indheeyay qaybaha kala duwan oo ay xaruntu ka kooban tahay, waxaana uu ku bogaadiyay AGA dedaalkeeda hagar la’aaneed ee ku aaddan daryeelka iyo hiilka afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa.
Xildhibaan Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa ugu dambayntii, waxa uu booqashadiisii ku soo gabagabeeyay maktabadda Akadeemiyada, isaga oo aad ula dhacay buugaagta faraha badan ee taallo maktabadda AGA.
Horey, ayaa xarunta AGA waxaa u soo booqday Wasiirro, Xildhibanno, Senatorro, aqoonyahanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday dalalka geeska Afrika oo ay Soomaalidu degto, afka Soomaaligana looga hadlo.















