Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga Dowladda Federaalka Xildhibaan Daahir oo magaalada Birmingham ee UK kula kulmay Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ee wadanka Ingiriiska Prof C/qaadir Ruumi ayaa soo dhaweeyay dadaalka ay Akadeemiyada AGA ugu jirto daryeelka afka hooyo.
Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka ee dalka Ingiriiska Prof Ruumi oo kulankaasi kadib u warramayay Degalka (Website) AGA ayaa sheegay inuu fursad u helay inuu Wasiirka kala hadlo howlaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ee la xiriira hiilka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa.
Porf. Ruumi oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay inuu Wasiirka guddoonsiiyay War-sidaha AGA ee lagu falanqeeyo macluumaadka la xiriira Af Soomaaliga, sidoo kalana uu u hibeeyay buugga qisadii caan baxday ee Maana- Faay.
Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo xilkeedu yahay ilaalinta, daryeelka iyo hiilka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa ayaa waxay iskaashi fiican la leedahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.














