Wasiirka Diinta iyo Dhaqanka dalka Jabuuti Muumin Xasan Barre oo dhawaan Magaalada Paris ee dalka Faransiiska  kaga soo  qeyb galay shirweynihii dhaqanka adduunka oo ay soo qaban-qaabisay  Hay’adda UNESCO ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo dadaalka ay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ay ugu jirto daryeelka, illaalinta iyo nooleynta afka Soomaaliga.

Md, Muumin Xasan Barre oo u warramay Idddaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa carrabka ku dhuftay in Dawladda  Jabuuti ay mar walba diyaar u tahay sidii ay kaalinteeda wax ku oolka ah uga qaadan laheyd waxaqabadka iyo dhismaha Akadeemiyada Aga, waxaana uu caddeeyay inuu Aga  hogaamiyo Dr. Maxamed Daahir Afrax oo uu ku  tilmaamay inuu yahay masuul xilkas ah oo ay isku fiican yihiin.

Dalka Jabuuti ayaa tan iyo intii la doortay 1999-kii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxaa dar-dar la galiyay kor u qaadida afka Soomaaliga, dhinaca kale waxaa 03-May ee sannadkan isla wadankaasi lagu soo bandhigay buuggaag  badan oo ku qoran afka Soomaaliga, kuwaasi oo qeyb ka ahaa xuska maalinta qoraalka iyo xuquuqda fekerka ee dalka Jabuuti.

Waxaa Diyaariayay:

Cabdi-naasir Yuusuf Macallin