Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya, Amb. Axmed Ciise Cawad, oo barta Zoomka kaga ka qeyb-qaatay dood cilmiyeed ay soo qaban-qaabisay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa si cilmiyaysan uga hadlay dhibaatooyinka haysta afka Soomaaliga iyo sida xal loogu heli karo.
Madasha AGA ee bisha Luulyo (July) oo mowduuceedu ahaa Dhigaalka AfSoomaaliga: Dhibaatooyinka Jira iyo Dhabbaha Xal-raadinta uuna soo sharfay Wasiir Cawad ayuu ku soo kordhiyey tusaalayn iyo fikrado dhaxalgal ah oo uu si cilmiyaysan ula wadaagey boqollaalkii indheergarad ee ka qaybgalayey dood-cilmiyeedda. Wasiir Cawad ayaa qiray inuu xeel-dheerayaasha afka Soomaaliga la qabo xannuunka ay daremayaan ee ku saabsan dhibaatooyinka ku soo fool yeeshay afka Soomaaliga iyo sida aan loogu baraarugsanayn.
Dhibaatooyinka uu tusaalaha u soo qaatay Danjire Cawad waxaa ka mid ahaa in bilowgii horeba lagu degdegay Soomaaliyayntii tacliinta isla markii afka rasmi ahaan loo qoray, halkii ay ahayd in marka hore asaas fiican loo dhigo iyo in tartiib-tartiib loo hirgaliyo u guuridda AfSoomaaliga, iyadoo isla markaana laga faai’deysanayo afafka kale iyo aqoonta ku qoran. Sidoo kale Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyey qoristii AfSoomaaligu in ay ahayd tallaabo masiiri ah oo taariikhda gashay.
“Dhibaatooyinka waxaan ka xusi karaa, ma jiro marjac loo noqdo oo dadka oo dhan gaari kara oo tilamaaya sida wax loo qori karo” ayuu yiri Wasiirka oo sheegay inuu ka xun yahay sida ay dadka qaarkiis isugu dhex yaaciyaan qoraalka farta Soomaaliga.
Danjire Cawad talooyinka dhaxalgalka ah ee uu soo jeediyey waxaa ka mid ahaa in lagu dadaalo in la helo guddi ama xarun marjac ah, asagoo raaciyey AGA in ay kaalintaas gali karto haseyeeshee ay lagama maarmaan tahay in la helo dawlad awood dhab ah leh oo lagu tiirsado; dowlad horseed ka noqota sidii loo dajin lahaa hab-qoraal la isku raacsan yahay, isla markaana hirgilsa hadba wixii la isku raaco.
Gunaandkii Wasiir Cawad wuxuu Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ku boorriyey inay isu diyaariso sidii ay u hagi laheyd hadba wixii ay aqoonyahannada AfSoomaaligu isku raacaan. Wuxuu kaloo AGA ku boorriyey joogtaynta dood-cilmiyeedyada noocaan ah.
Ugu dambayntii Guddoomiyaha AGA Dr Afrax oo ka tarjumaya dareenka khubarada iyo hawlwadeenka Akadeemiyada wuxuu wasiirka uga mahadcinaynaa waqtigiisa qaaliga ah iyo fikradaha dhaxalgalka ah ee uu ku soo sharfay Madasha AGA. Akadeemiyaduna way ku camalfali doontaa talooyinkiisa qaaliga ah intii awooddeeda ah.














